shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dabinka ciidamada Itoobiya ee ka bixitaankooda caasimada Muqdisho.

(Muqdisho, January, 13  2009 Ceegaag Online) 

Ciidamada Itaabiya ayaa ka guuray qaybo ka mid ah goobihii ay ka daganaayeen magaalada Muqdisho goobahan oo kala ah Warshadii hore ee Baastada, daarta Xeyle Bariise iyo Caymiska. ayaa u muuqda kuwo ay la wareegeen amaankooda Kooxaha Dibuxoraynta ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara ee dalka Eretariya.

Gaabahan ay ka guureen ayaa waayadan danbe waxaa deegaamaystay beesha Habargidir iyada oo loo gaystay burbur aad u balaadhan ka dib markii ay kacdoon kala hor yimaadeen ciidamadii Huwanta ahaa ee uu hor kacayay Madaxwaynihii is casilay C/laahi Yuusuf Axmed.

Bixitaanka Ciidamada Itoobiya waxa uu ka danbeeyay Heshiiskii Jabuuti ee dhex maray Huwanta iya Garabka Dibu xoraynta ee uu Hogaamiyo Sheekh Shariif. Balse waxaa goobahan la wareegay *indhocade*

 

Ciidamada Sheekh Shariif ayaana imanba dhinacan si ay amaanka ula wareegaan, waxaa kale oo iyaguna aan iman kooxaha Al-shabaab, Ciidamada Itoobiyana waxay u ruqaansadeen dhinaca waqooyi ee ay degan yihiin beesha Mudulood.

Dabinkan ay sii maleegayaan ciidamda Itoobiya oo haatan ka amarqaadanaya Raysal wasaare Nuur Cade ayaa  u eeg mid la doonayo in dib loo bilaabo loolan xaga gacan ku haynta magaalada ah oo laga dhex abuurayo kooxaha dibuxoreenta ee haatan siyaasada isku haya.

Si kooxaha gargaarka ee uu ka tirsanaa raysal wasaare Nuur Cade ay hawlahoodii ay sheegan jireen inay ka wadaan Soomaaliya dib uga bilaabaan Nayroobi, Kooxahan gargaarka oo la rumaysan yahay inay kashiftay Dawladii C/laahi Yuusuf sida ay uga been sheegaan xaalada Soomaaliya dhaqaalaha ay ku helaana jeebkooda  ugu shuban jireen.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com