shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qaarkamida Qurba Joogta reer Ceegaag oo dhismaha Iskuul labaad ka bilaabay Ceegaag.

(Ceegaag, January 23,  2009 Ceegaag Online) 

Degmada Ceegaag waa deegaan Juquraafi ahaan dhaca meel u dhaxaysa Hawdka Iyo Nugaasha. Degmadan waxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool qiyaastii 120Km ka xigtaa dhanka Waqooyi Galbeed.

Degmadan oo deegaan cusub oo jirtay mudo ka yar saddex sano taasoo mudadaa ay jirtay ay noqotay deegaan aad loo camiray ayna deganyihiin dad aad u badan,

Deegaankan Ceegaag waxay udhaxaysaa Deegaamada Yayle iyo Horufadhi juquraafi ahaana waa deegaan dhul biyood taasoo dadka deegaankaas usuurta gelisay inay beero iyo baraago badan ka samaystaan,

Degmadaasi waxay leedahay School waxbarasho, Misaajid iyo goobo kale oo muhiim u ah arrimaha Bulshada,

Deegaankan waxaa kasocda horumar dhanka dhismaha iyo balaadhinta ah kaasoo dadka qurba joogta ah iyo dad kaleba ay maalgashanayaan deegaankaasi, iyadoo hada laga fulinayo mashruucyo loogu dhisayo School kale, Goobo caafimaad, saldhig Booliis iyo goobo kale oo muhiim ah, taasoo hada ay aqoonyahano deegaankaas u dhashay ay arrimahaas qaarkood gacanta ku hayaan,

Aqoonyahanada Eng. Muuse Cali Abokor iyo Provesor Cabdirisaaq Lafoole oo ah aqoonyahano macalimiin ka ah jaamacado ku yaal wadamada Dibada iyo dalkaba iyo wariyayaal ayaa deegaankaas Ceegaag gaadhay kuwasoo deegaankaas u tagay soo indha indhaynta dhaqdhaqaaqyada horumarineed ee deegaankaas ka socda, sidoo kale waxaa safarkan isaguna dhinac ka ahaa Ganacsade Suxufi oo ah ganacsade reer Laascaanood ah ku waa soo gaadhay deegaankaas duhurnimadii maalinta khamiistii 22/01/2009.

Aqoonyahanka Eng. Muuse Cali Abokor oo macalin ka ah College Ku yaal wadanka Imaaraadka carabta maalmihii ugu danbeeyayna ku sugnaa dalka ayaa waday qorshaha safarkan kaasoo uu ku dhagax dhigayo School cusub oo ah schoolkii labaad oo ay yeelanayso degmada Ceegaag,

Guda galka munaasibada lagu dhagax dhigayo Schoolkan ayaa 4:00pm isla maalintaas ka bilaabatay goobta loogu talo galay in Schoolkaas laga hirgeliyo oo ah dhulwayn oo reer ceegaag ugu talo galeen in laga dhiso oo keliya goobaha muhiimka u ah bulshada sida Cusbitaal,Schoolo,Saldhig,iyo Garoon ciyaareed.

Eng Muuse Cali Abokor oo dhagax dhigay schoolkan cusub ayaa hadalo ka jeediyay goobta isagoo ugu baaqay dadka reer Ceegaag inay dhankooda iska abaabulaan oo guda galaan dhismaha iyagoo aan xoogooga ku xidhayn wax hantiya maadaama carruurtooda loo dhisayo schoolka,kana faa;iidaysanayaan.

Sidoo kale Cabdirisaaq Lafoole oo ah aqoonyahan caan ah gobolka isla markaana gudoomiye ka ah jaamacada Nugaal University ee magaalada Laascaanood markaasina macalin Lectural Dean Acedemic ka ah GTEC (Garowe Teacher Education Collage) ayaa ka hadlay isagoo macalinku sheegay in hantida schoolkan ku baxaya ay tahay deeqo ay ku deeqeen dadka deegaanka u dhashay eek u nool wadanka dibadiisa, iyagoo ugu talo galay inay horumarka dadkooda ay qayb laxaad leh ka qaataan.

Lacagta ku baxaya Schoolkan oo lagu qiyaasay 20,000 kun oo doolar ayaa waxaa 12,000 ku deeqay Maxamuud Maxamed Aadan (Lafoole TWO) oo ah wax ilaahay loogu mahadiyo, sidoo kale waxaa 3000$ kamid ah lacagtan ku deeqay Cabdilaahi Hareri oo ku nool wadanka England isagoo la kaashaday dadka reer SSC eek u nool wadamada Yurub.

Hay’ada SCERDO oo ah hay’ad fadhigeedu yahay wadanka Canada markaasina uu hogaan u yahay Aqoonyahan Jamaal Xaaji Cali Cilmi, hay’adaas iyo hogaankeeda ayaa horay uga hirgelisay deegaanka ceegaag schoolka hore iyadoo waxqabad balaadhana ka fulisay deegaamada gobolka Qaarkood.

Shiikh Maxamed Axmed oo ah ganacsade reer Buuhoodle ah horayna u fuliyay dhismaha masjidka Ceegaag hadana gacanta ku haya dhismaha schoolkan isagoo sheegay in lacagta inta masuuliyiintaasi ku deeqeen mooyaane inta kale looga fadhiyo dadka ku dhaqan mandaqada SSC inay horumarka deegaankaas kaga qayb qaataan.

Deegaanka ceegaag waxaa kaloo aan odhan karnaa horumarka ay ka samaysay dhanka arrimaha bulshada waxaa dheeraa ciidamo amaan oo iyagu lebisan oo markaasi sugaya amaanka gudaha kuwaasoo leh taliye iyo maamul markaasi ay ka amarqaataan waa waxyaabaha aan inta badan degmadan cusub ayna la wadaagin deegaamada kale ee ka agdhow

Degmada Ceegaag ayaa marka aad gudaha usii gasho aad dareemaysaa in ay tahay deegaan ay aad u kala duwantahay waqtiga ay jirto iyo horumar balaadhan ee laga sameeyay,

 

 

 

Xigasho: Lasanod Online

Sawiro laga soo Qaaday dhismaha Iskuulka Feb 28 2008

webmaster@ceegaag.com