shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jacaylku Ma wax jiraa mise waa dhalanteed? hadii uu jiro waa Goorma?

(Hargaysa, January, 09  2009 Ceegaag Online) 

Ugu horyn waxa mahad oo dhan iska leh alihii ina buuray, waliba naga dhigay muslimin

Intaa ka dib, Mujtamaca soomaalidu, dhexdooda waa wax iska caadi ajh in wiilka iyo gabadhu  isku yidhaahdaan waan ku jecelahay, ama waan kuu dhimanayaa, ama biyaha hoostooda ayaan kaa dhex arkay, ama dartaa ayaan wax u cuni la`ahay, ama marka aan miraayada isku eego halkii aan is arki lahaa adigaan ku arkaa, waan kugu riyoodaa habenkii, Iyo Ereyo La mid ah.

Iyadoo laga yaabo Erayadaasi, in ay been u badan yihiin, ama wiilku iyo gabadhu midba midka kale oo is leeyahay Soo jiido Qalbigiisa.

Hadaba Goorma ayuu iman karaa jacayl dhab ah? Taasi waxaan filayaa in ay cadahay, waa xiliga labada lamaane ay isu xalaloowan, ama ay is guursadaan, Wixii intaa ka horeeya, way fududahay in aanu dhicin isu tanaasul, iyo jacayl dhab ah, Laakiin gabadhu ama wiilku way u fududahay, in la isku ydihaaho marka Telephone-ka laga wada hadlayo waan ku jecelahay,

Waxaa  kaloo dhacda in xitaa labadani qof ee sheeko wadaaga ahi, in mid ka mid ah uu been u sheegayo, Qofka kale, ama uu ku meeel gaadhayo, arintaasina waxa ay u badan tahay, xaga Dumarka, Sida Somalidaba ay ku maahmaado, (kun la sheekeyso kowna ka guurso) runtii waa arin xun oo u  baahan in laga diktoonaado, waayo waxaa Dhici karta in la is cowriyo waayo ishu waa xaq Sida diinteenu ay inoo sheegtay.

Dhinaca raga waxaa ku badan in uu been u sheego, walaashiisa muslimada ah, isagoo marka hore eegaya gabadhu wax ay jeceshahay, hadii ay dhaqaalo jeceshay waxa uu odhanayaa, hanti badan ayaan leeyahay, gaadhi hebel aniga ayuu ii shaqeeyaa, hadii ay jeceshahay, Aqoon, waxa uu odhanyaa waxaan kasoo qalin jibiyay, jaaamacad hebel, Shahaadadeeyduna waa, Master, ama PS, waxaase laga yaabaa handtidaa uu sheeganyo inaanay waxba ka jirin, xitaa dharkaa Qurxoon ee uu xidhanyahay markaasi, laga yaabo in uu kasoo amaameystay, saaxiibkii!!!.

Waxaa kasii daran arintaa, oo Runtii u baahan Xusid, in ay hargeysa ka dhacday, mid ka mid ah Dhalinyarada, ayaa waxa uu la sheekeysanyay, gabadh mudo 9-bilood,

waxa uuna ku qanciyay, in uu AMERICA ka yimi, hargeysana u joogo howlo shaqo, waligiina hargeysa ma dhaafin, hase ahaatee waxa uu u Lebisan jiray, Sida dhalinyarada yurub joogta,

Marka uu dooonayo in uu la kulmo gabadhu, ama uu gurigooda tagayo, waxa uu booqan jiray habeenkii, isago dadka kale iska qarinaya, ama ka baqaya, in cid taqaana Eeriyadaa ku dhowdahay, arintii markii ay in mudo ahi sidaa ku socotay, oo Khiyaaligii soo gabagaboobay, ayaa gabadhii reerkooda u sheegta, oo ay ku tidhi, wiilkan ayaanu is fahanay, waxa uuna ka yimi America hantina wuu haaystaa, waanu isoo doonayaa dhowaan, ee hooyo ka waran? (Hooyadii inta ay faraxday, ayay howshu soo dhoweeysay, waxa aanay ugu jawaabtay, hooyo waa si fiican, waanan kuugu hambalyeeynayaa, waayo way ka muuqataa, in uu hanti haysto, waana wiil quruxbadan).

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa hooyadii dhashay gabadha, walaasheed ayaa waxa ay timi Guriga, waxa uuna kusoo beegmay imaanshiyaheedu xili  wiilkii oo jooga guriga oo la sheekeysanaya gabadhii, islaantii ayaa u faantay walasheed, oo tidhi inanteeyda, Dhowaan ayaa nalaga soo doonayaa, wiil America ka yimi,

Waxa ay ugu jawaabtay, maasha allah, wiilka iskaaya bara dee, ka dib wiilkii ayaa Qolka ka soo baxay, isagoo  albaabka ayuu kula kulmay, labadii islaamood, hooyadii ayaa is bartay, oo tidhi wiilkan hebel baa la yidhaahaa, waa wiilkii aan kaaga waramay mar dhoweyd., nasiib darro islaantu wiilkan la barayo waa Deris waanay taqaanay waligii, ilaa goortii uu dhalanayay, wiilkii ayaa aad u naxay, oo dhidid wajigiisu ka soo burqaday, islaantiina aad bay u xishootay, Ugu dambeyntii sheekadii halkaa ayay ku gabagaboowday, wiilkiina beenaale ku noqday. 

Waxaa la is weeydiin karaa, maxaa ku kalifay, in beenta intaa la eg, uu sheego? Muxuuse ka faa`iidayaa? naftiisu miyuu amini waayay? Allah miyuu ka quustay,

La soco Qeybtii labaad, iyo Dhacdooyin xiiso badan.

 

W.Q.  Adan Cabdulaahi

EMAIL: adandeq2@gmail.com

webmaster@ceegaag.com