shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaaliyada Soomaaliyeed ee Denmark oo cod tageero ah u Muujiyay Madaxwayne Faroole iyo  Maamulkiisa Cusub ee reer  Puntland (Sawiro)

(Copenhagen, January 28,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark lagu qabtay xafalad si aad u heer sareysa loo soo agaasimay, Xafladdaas oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda reer Puntland ee ku dhaqan magaaladda Copenhagen ayaa ahayd mid lagu soo dhowaynayay looguna hambalyeynayay maamulka cusub ee Puntland ayaa waxaa khadka taleefanka si toos ah uga qeyb galay madaxweynaha maamulk goboleedka Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo madaxweyne ku xigeen Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Xafladdaas ayaa waxaa ka hadlay siyaasiyiin, culima'udiin, aqoon yahano iyo waxgarad kale oo kala tirsan jaaliyadda reer Puntland iyo walaalaha ka socday jaaliyadaha kale ee Soomaaliyeed oo marti sharaf u ahaa jaaliyadda reer Puntland.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole oo hadal aad uu qiiimo badan halkaasi ka jeediyay ayaa xusay in degaanada iyo maamulka Puntland ay yihiin kuwo had iyo jeer u taagnaa una taagnaan doona badbaadinta ummadda Soomaaliyeed iyadoo ujeeddada loo yagleeyay ay taasi qeyb weyn ka ahayd. Madaxweyne Dr. Faroole ayaa sheegay uu sare u qaadi doono tayada amni, dhaqaale, aqooneed iyo maamul ee dowlad goboleedka Puntland si buu yiri Puntland ay u hanato masuuliyadda baaxadda leh ee heer deegaan iyo heer qaranba.

Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda iyo doorka jaaliyadda debedda isla markaana tusaaleeyay xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta iyo dalka ay kala saaran.

Xafaladdan ayaa lagu soo bandhigay barnaamij la magic baxay Puntland in pictures. Barnaamijkaas oo xambaarsanaa muqaalo aad u quruxbadan oo muujinaya bilicda degaanada Soomaaliyeed ee Puntland iyo weliba infrusture-ka iyo resources-ka kale ee ay leedahay ay deegaanadaasi leeyihiin. Muuqaaladan ayaa waxay muujnayeen wax soo saarka baaxadda leh ee Puntland sida kalluunka, maydiga iyo fooxa , xoolaha IWM, Bilicda Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, Gaalkacyo iyadoo halkaasi sharaxaad dheeraada laga bixiyay muqaaladdaas.

Xubnihii halkaasi ka hadlay ayaa dhamaan hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo madaxweyne ku xigeenka Gen. Cabdisamad Cali Shire. Xafladda ayaa loogu duceeyay madaxda in alle la garabgalo xilka culus ee ay bulsahda u qaadeen.

Waxaa kaloo halkaas loogu deceeyay deegaanada Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan in illaah dhibka ka saaro, wixii ay soo martana rabbi illowsiiyo kana samirsiiyo wixii sharoo soo socdan Alle ka hor joogsado.

Xafladaas ayaa waxaa maamulka Cusub ee Puntland looga codsaday inay  wax ka qabtaan oo ay dhameys tiraan howlihii horay u yaalay iyo inay fuliyaan kuwo cusub oo horrumar gaarsiin kara shacabka Puntland.

NB: Waxaa halkan Mahad balaaran looga dirayaa dhamaan dadkii ka qayb qaatay inay hirgasho xafladan, waxaana leenahay weligiina haka caajisina Muujinta horrumarka dalka, dadkiina.


Cismaan Cali Danla'aan

Copenhagen, Denmark

webmaster@ceegaag.com