shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Itoobiya oo ku afgobaadsatay inay gaadhay danahii ay ka lahayd Soomaaliya

(Adis-Ababa, January, 14  2009 Ceegaag Online) 

Xukuumada uu horkoco Meles Zenawi ee hada ka arimisa wadanka Qowmiyadaha layku kabkabay ee Itoobiya ayaa ku afgobaadsaday inay gaadheen qorshohoodii ay ugu soo duuleen Soomaaliya kaasoo ahaa inay baabiiyaan Xoogagii Islaamiga ahaa ee gacanta ku hayay Magaalda Muqdisho.

Nin la taliya Raysalwasaare Melas oo lagu magacaabo Bereket Simon ayaa saxaafada u sheegay inay Soomaaliya haatan khatar uga soo socon oo ay meesha ka saareen xoogagii Islaamiga ahaa.

Hadalkaa ayaa ah mid layska yidhi xaqiiqaduna waa in ay Itoobiya jab iyo halaag kala kulantay koofurta Soomaaliya kana baqo cararayaan ka dib markii heshiis dhex maray Dawlada iyo Xoogaga Muqaawamada.

Sidoo kale Itoobiya waxay ku guul dareesatay in gobolada SSC la raaciyo Somaliland tasoo hada u muuqata in Puntland isku diyaarinaso inay cudud milatari ku soo ceshato goboladan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com