shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waldiire oo ahaa Afhayeenkii Dooxada Juba  oo  loogu dal-dalay Kismaayo

(Kismaanyo, January 16,  2009 Ceegaag Online) 

Kooxaha Al-shabaab ee gacanta ku haya  Kismaayo,  xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa xukun dil ah ku fuliyay shalayto  mid ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Maamulka Dooxada Jubba.

C/raxmaan Xaaji Axmed (Waldiire) ayaa lagu toogtay mid ka mid ah fagaaraha Magaalada Kismaayo. Iyada oo lagu eedeeyay inuu xiriir la sameeyay Bare Hiiraale oo kula haysta Gacan ku haynta Kismaayo kooxaha Al-shabaab.

Dilkan ayaa lagu sheegay inuu Waldiire ka ridoobay diinta Islaamka maadaama uu la shaqeeyay Dagaal ooge Bare Hiiraale. iyada oo la baadhayay uun faldabiyeedkiisa in ka yar hal sitimaan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com