shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baarlamaanka somalia oo Sheegay in Awoodi dawladda La wiiqay uguna Baaqay Wadamadda Deriska ah inay 24 saac gudohood Ciidamadooda ugu soo diraan Somalia.

(Muqdisho.  June 20,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta magaaladda muqdisho ee caasimadda somalia shir jaraa'id ku qabtay Gudoomiyaha Baarlamaanka somali Sheikh aadan Maxamed nuur Madobe shirkani jara'id ayaa aadan madoobe kaga hadlay Qodobo baarlamaanka somalia isku waafaqeen.
 
Sheikh aadan maxamed nuur madoobe gudoomiyaha baarlamaanka somalia yaa ugu baaqay Wadamadda deriska la ah somalia sida ETHOPIA,KENYA,JABUUTI,YAMAN inay ciidamo u soo diraan somalia saacadaha soo socda isagoo shegay in awoodi dawladda somalia la wiiqay dawladuna hadaan la soo gaarin Jiritaankeedu meesha ka baxayo maadaama buu Yiri xoogagi Islaamiyinta ka soo horjeeday ay qabsadeen inta badan Magaaladda caasimadda ah ee muqdisho.
 
Sheikh aadan madoobe ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid culus oo uu hogaaminayo Sarkaal Pakistani ah kaasi oo bu yiri Magaalada Badi la wareegay waa sida uu hadalka u dhigaye isagoo sheegay in Al-qaacida muqdisho soo gashay.
 
Hadalkani uu maanta sheegay sheikh aadan madoobe ayaa waxaa uu imaanaya iyadoo saacadihi la soo dhaafay goobo badan oo ka mida magaaladda muqdisho ay ka bexen gacanta Dawladda sida Degmadda Istraatiijiga ah ee KAARAAN halkaasi oo ay Saldhigi qabsadeen xoogaga mucaaradka ah ee Al-shabaab iyadoo marka aan falanqayno degmadda kaaran tahay mel saaran Dekedda kaliya ee dawladu ka arrimiso waxaana ay xanibayaan dhaqdhaqaqa Dekedda xoogaga mucaaradka iyadoo xaalada dawladu adagtahay hadana degmadda Cabdicasiis oo u dhaw degmadda lala wareegay ayaa ah goob muhiim u ah Xaruna madotooyadda Villa somalia taasi oo haddi la qabsado ay khatar ku jirto Saldanadda Sheikh sharif madaxweynaha somalia.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com