shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Hayaag (Dhulbahante) oo qoraal ka soo saartay  khilaafka boqortooyada beesha Jaamac siyaad.

(Gabolka Sool.  June 23,  2009 Ceegaag Online)

Shir ballaadhan oo ay isu yimaaaddeen waxgaradka beesha Hayaag ee gudaha iyo dibadda ayaa ku lafa guray sida ay u dhacday labadii caleemasaar ee boqortooyada Jaamac Siyaad ee ka kala dhacay magaalooyinka Yagoori iyo Laascaanood.

Ka dib dood dheer iyo xog urursi waxaa beesha Hayaag isku raacday qodobadan hoos ku qoran.

1)   Waxaa beesha Hayaag aad uga xuntahay faragalinta qaawan ee beelaha Dhulbahante  iyo maamulada hareeraha ka xiga ku sameeyeen boqortooyada beesha Jaamac Siyaad oo ah mid horay loo qeexay habraaca loo marayo soo xulidda shakhsiga noqonaya Garaadka kaas oo beeshu horay isugu raacday in uu noqonayo qaab ku dhisan nidaamka dhaxaltooyada qoyska reer Garaad.

2)   Waxaa beesha Hayaag diyaar u tahay in ay si tolnimo, ehelnimo  iyo islaanimo  ku jirto u dhexdhexaadiso dhinacyada beesha Jaamac siyaad ee kala taageersan labada wiil ee walaalaha ah Cabdirashiid Garaad Ismaaciil iyo Jaamac Garaad Ismaaciil.

3)   Waxaa beesha Hayaag u aragtaa kala qaybsanaanta beesha Jaamac siyaad mid sii fogaynasa nabadku soo dabaalidda iyo horumarka gobollada SSC gaar ahaan gobolka Sool.

4)   Waxaa beesha Hayaag uga digaysaa  jilibada DHULBAHANTE, ururrka NSUM, ISIMADA, ururka BADBAADA iyo MAREEGAHA laga leeyahay gobollada SSC  ee u xusulduubaya in ay sii kala fogeeyaan beesha Jaamac Siyaad  in ay faraha kala baxaan boqortooyada beesha  una daayaaan in ay beeshu dhexdeeda iska saxdo wixii khaladaad ah ee soo dhexgalay hoggaankooda dhaqameed.

5)   Ugu danbayn waxaa beesha Hayaag ugu baaqaysaa qoyska reer Garaad Ismaaciil iyagoo kaashanaya waxgaradka beeshooda in ay shir  deg deg ah isugu yimaaddaan soona afjaraan khilaafkan ugubka ah ee soo kala dhexgalay qoys ahaan, qaran ahaanna saamayn xooggan ku yeeshay midnimada beesha Jaamac siyaad iyo Dhulbahante guudba.

Wabillaahi Towfiiq.

Guddoonka beesha Hayaag ee gudaha iyo dibadda

June 22, 2009

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com