shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Burcad badeedda Somalia oo La shaaciyay in Hawlgalkoodi ay Bedeleen.

(Puntland.  June 10 ,  2009 Ceegaag Online)

Kooxaha Burcad badeeda somalida aya Hawlahooda la xariira Qaraabsiga Biyaha Badda ee Caalamiga ah Labba Jibaaaray Bilawgii Bishani June ka dib hakad galay falalka Burcad badeednimo waxaana ay taasi sabab u noqotay ka dib markii Ciidamo shisheeye oo aad u farabadan la soo dhoobay Biyaha Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya .
 
Hadda waxaa soo Ifbaxaya warar sheegay in Kooxaha Burcad badeedu Tabohooda Burcad badeednimo bedeleen iyagoo Laba jibaar ka dhigay Falakooda ay ku afdhuubanayaan Maraakiibta shisheeye ee u raran Xebaha Somalia.
 
Saraakiisha militeriga taliska dhexe ee Mareykanka ee ku yaalla dalka Bahrain waxay sheegeen in haatan ay muuqdaan bucad badeeda Soomaalida kuwo u soo wareejiyey weeraradooda dhinaca badda cas, waxaana talisku uu sheegay in dhamaadkii bishii hore ugu yaraan hal weerar uu ka dhacay cirifka koonfureed ee badda cas, waxaana maraakiibta mareysa biyaha badda cas loo sheegay inay taxadar muujiyaan marka ay ku safrayaan biyaha badda cas.
 
Weerada burcada badeeda ayaa dhowaantan sidoo kale sii xoogeysanayey, iyagoo afduubyo u geysanayey maraakiibta ka timiaada qaarada Asia ee ku jeeda Europe ee mareysa khadka ku dhow jaziirada Seychelles.
 
Taliska dhexe ee Guutadda Shanaad ee Ciiddanka Badda ee dalka Maraykanka ee uu fadhigooda yahay dalka Baxrayn, ayaa soo saartay Bayaan ay ku sheegtay inay Burcad-baddeeda Soomaalida ee ka qowleysata Gacan-biyoodka Cadmeed bedeli karaan Xeelladihii ay wax ku qafaalan jireen, isla markaana ay hawshooda sii ballaariyeen.

War-saxaafaeedka ayaa lagu sheegay inay sii kordhayaan hawlgalladda Burcad-baddeedaasi geystaan xilliyadda habeenka, si ay uga horjoogsadaan in Maraakiibta dagaalka ee goobahaasi ka hawlgala ilaaleeyaan Marinnadda Maraakiibta.

Hawgalladda Burcad-baddeeda ee xilliyadda habeennimadda ayaa sii kordhay maalmihii la soo dhaafay, waxayna Burcad-baddeeda u adeegsadaan maraakiib kale si ay ugu fuliyaan Hawlgalladooda afduubka.
 
War-saxaafaeedka waxaa looga digay Maraakiibta Ganacsiga isbedelka ku yimid qaabka ay Burcad-baddeeda u hawl-galaan xilligan oo ay cimilladda badda aad u kacsan tahay, waxaana lagu booriyey Maraakiibta inay taxadir dheeraad muujiyaan marka ay marayaan Badda Somalia.
 
Digniintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay Burcad-baddeeda shantii bilood ee la soo dhaafay 114-jeer weerar ku qaadeen Maraakiibta Ganacsiga ee isticmaala Badda Somalia, waxayna Burcad-baddeeda ku guuleysteen inay 29-markab ku qafaasheen.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com