shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cambaarayn caalami ah loo soo jeediyay Ururka Al-shabaab ka dib xukun ay fulisay Maxkamad aan sharciyaysnayn.

(Muqdisho.  June 24,  2009 Ceegaag Online)

Ururka al-shabab ee ka arrimiya inta badan koonfurta somali ayaa maxkamad ku taala Magaaladda muqdisho oo hoostagta waxay xukun ku riday Wiilal aad u da'yar oo afar ah kuwaasi oo lagu soo eedeyay inay xadeen boorsoyin iyo Mobiladda gacanta Gudaha Magaaladda Muqdisho ee caasimadda somalia.


Xukunkasi oo shalay dhici lahaa balse ay alshabab sheegtay in loo baajiyay xiliga oo kululaa qoraxduna aad u holcaysay taasi oo laga baqay inay dhiigbaxan iyagoo sidoo kale waalidkood codsaden intaan xukunka la fulin inay arkaan caruurtooda.


Ururadda caalamiga ah ee u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa cambaarayn u jeediyay Ururka alshababa waxaa ka mida hayada la socota Dhaqdhaqaqa bani'aadanimo ee Amnesty International. Madaxa Amneysty, waaxdeeda Afrika, Tawanda hondora, ayaa ciqaabtaan ku tilmaantay mid naxariista ka fog, bini’aadanimada ka baxsan, isla markaana ah wax qiima-dil ku ah bini’aadamka.
 

Xukunkaas oo ay ridday maxkamad aan sharciyad lahayn oo aan haba yaraatee marin nidaamkii sharicga ahaa, iyadoona xukunkaasi uu u muuqdo mid aan dhameystirneyn isla markaasina aanay goobta soo xaadirin mudacii eedeysanayaasha mudacayay oo loo geystay falka burcadnimo.


Amnesty waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in Kooxda Alshabaab ay caadeysatay had iyo goor inay fuliso xukuno u muuqda inay yihiin iidheh iyo howlo mashruuc ay ka dhigteen, iyadoona hore loo ogaa xukun Al-Shabaab ka fulisay magaalada Kismaayo oo gabar aan qaan-gaar ahayn ku fulisay xukun dil ah.

Dhinaca kale wiilashan ayaa lagu tuhmay in ay telefoonnada gacanta lagu qaato iyo agab kale ka xadeen dad ku nool Waqooyiga Muqdisho.Xaakimkii maxkamadda, Sheekh Cabdilxaaq, ayaa saxafiyiinta u sheegay in dhallinyarada lagu helay dambiyada loo haystay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com