shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Degmooyin ka Tirsan Gobolka sool oo laga soo Sheegayo Biyo Yari aad u baahsan.

(G.Sool.  June 19,  2009 Ceegaag Online)

Marka la eego Roobabkii Gu’ga waxay ahaayeen kuwa sano yar sanadkani waxaan jira Cabashooyin ka soo yeeraya dadka reer guuraaga ah ee degan  Gobolka Sool.

 

Degmooyinka Awrbogays, Xudun, Kulaal, Fiqifuliye iyo deegaano kale oo ku agxeeran waxaa ka jira roob yari aad u baahsan iyadoo ay jirto in Abaartii hore ee ka jirtay Degaanadasi saamayn balaaran ku yeelatay Deegaanka.

 

Nabadoon Xidig Cabdi Ismaaciil oo ka mida Salaadiinta iyo Odayaal dhaqameedyadda Deegaanadda Sool ayaa khadka Telefoonka kula soo xariiray Xafiiska shabakadda Ceegaag ee Puntland waxana uu sheegay in ay dhibaato ba’an ku hayso Deegaanadasi Biyo yari oo halkii Fuusto oo biyo ah kor u dhaaftay 100,000 Shilin.Soomaali sida uu hadalka udhigay isla markaana aanay ku filnaan dadka deegaanka Biyaha roobka Guga ee ka da’ay Deegaanadasi.

 

Xidig Cabdi Ismaaciil oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Roobabkii laga darsay Gu’ga aanay sano yeelan isla markaasna dadka reer guuraaga ah ee deegaanku ay u baahanyihiin Baad dhamaystiran maadaama buu yiri awalkii hore ay la soo daristay Abaar xun.

 

Isku soo wadda duubo waxaa jira Cabashoyin badan oo ka soo yeeray deegaanadda qaar taasi oo ku aadan inaan roobabkii gugu ku filnaan Deegaanadasi iyadoo xoogaga laga darsay Roobkana ay isugu soo guureen Reer guuraa farabadan.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com