shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ka soo baxday Hubkii Maraykanku ugu deeqay Dawladda Soomaaliya.

(Muqdisho.  June 27,  2009 Ceegaag Online)

Mas’uul Sare oo u hadlay Maraykanka ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay 40 Tan oo Hub iyo Saanad ah siisay DKMG ah intii lagu gudo jiray 6-dii Isbuuc ee u danbeysay si ay ugula Dagaalanto Xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo horjeeda.

Mas’uulkaasi oo ka gaabsaday in la shaaciyo Magaciis ayaa intaa ku daray “Maraykanku waxa uu Bixiyay wax ka yar 10 Milyan oo Doolar taas oo lagu Bixiyay Hub iyo Saanad, waxaana intaa dheer Lacag kale oo ay Bixiyeen Dowlado kale si loogu Tababaro Ciidamada Xukuumadda Soomaaliya”.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, ayaa sheegtay in Mareykanku hub u diray Soomaaliya, waxayna Dowladda Mareykanku Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay weydiisatay in Mareykanka loo oggolaado in uu hub u diro dowladda ku meel gaarka ah ee Taagta daran.

Waraaq u muuqata in uu saxiixay Ku xigeenka wakiilka Mareykanka u fadhiya Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, Alejnandro D. Wolff, ayaa codsigan uu Mareykanku ku soo gubdiyay.

Waxay waraaqdu muujineysaa in Mareykanku uu doonayo in uu hub siiyo Dowladda Soomaaliya ee Ku-Meel-Gaarka ah.

Hubkaas oo culeyskiisu yahay 40 tan, waxaa uu isugu jiraaaa rasaas iyo hub ay ka mid yihiin qoryaha darandoorriga u dhaca iyo moortarro (hoobiyayaal).

Hubkaas waxaa waraaqda ku qoran in Uganda laga dhoofinayo oo la geynayo Soomaaliya iyada oo xagga hawada la isticmaalayo.

iiddamadda Uganda” ayuu yiri Afhayeenkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Kaalmaadda Milliteri ee ay Dowladda Maraykanka siinayso DFKMGS, ayaan ku jiri doono in Ciiddamo Maraykan ah lo soo daabulo gudaha dalka Somalia, iyadoo ay Dowladda Maraykanka weli xusuustaan Khasaarihii Ciiddamaddooda ka soo gaaray Hawlgalkii Rajo-soo-celinta ee bilowgii Sananadihi 90-aadkii laga fuliyey dalka Somalia.

18-Askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay iska horimaadyaddii dhacay sannadkii 1993-dii,kadib, markii ay Ciiddamaddii Maraykanka iyo Maleeshiyo Soomaali ah ay ku dagaalameen qeybo ka mid ah magalladda Muqdisho.

Dhanka kale Madaxweynaha DFKMGS, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay Dolwadiisa dagaal xooggan isaga caabinayaan Kooxaha Mukhaawamadda ee doonaya inay Talada ka tuuraan, ayaa uga mahadceliyey dhigiisa dalka Maraykanka, Baraak Xuseen Obaama shixnaddii hubka ee uu DFKMGS dhawaan u soo diray.

Sida lagu soo daabacay Wargeyska Asharqal-awsad ee ka soo baxa magaalladda London ee dalka Britain, waxa uu Madaxweyne Sheekh Shariif dhambaalkiisa u sii marsiiyey xiriir dhinaca Diplomaasiyadda, waa sida uu Wargeysku qoray.

Madaxweyne Shariif, waxa uu Madaxweyne Baraak Obaama ka codsaday inay sii wadaan Taageeradda ay DFKMGS siiyaan, isagoo xusay inay Dowladda Somalia ku qanacsan tahay Xiriirka labada dal u dhexeeya.

Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Ururka Xisbul-islaam, Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaasi kulul u cambaareeyey Taageeradda Milliteri ee ay Dowladda Maraykanka ugu deeqeen DFKMGS.

Hoggaamiyahaasi, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeeyska Asharqal Awsad, wuxuuna sheegay inay Taageeradaasi caddayn cusub u tahay inaysan Dolwadda Maraykanka doonayn inay Nabad iyo deganaansho ka dhalato dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.

“Waxay taageerayaan Xukunka Sheekh Shariif oo aan matali Karin Shacbiga Somalia” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo ay xilli hore Jaal wada ahaayeen Madaxweyne Sheekh Shariif, oo ay ku kala irdhoobeen Aragtidda Siyaasadda.

Hoggaamiyaha Ururka Xisbul-islaam, waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin inay Dowladda Marykanka lacagaha canshuuraha ee ay Muwaadiniintooda laga soo ururiyo ay u adeegsadaan inay Shixnaddo hub ah ugu soo diraan dalka Somalia, waa sida uu hadalka u yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo ay Dowladda Maraykanka ku eedeyso inuu ku jiro Liiska waxa ay ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda Caalamiga.

Wararka ku saabsan Shixnadda hubka ee ay Dowladda Maraykanka u soo dirtay  DFKMGS waxaa kaloo ka hadlay xubno ka tirsan DFKMGS.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFKMGS, Maxamed C/llaahi 0omaar, ayaa horey uga mahadceliyey Dolwadda Maraykanka taageeradaasi, wuxuuna sheegay inay Taageeradaasi gacan ka  geysanayso dagaalka ay Ciiddamadda Dowladda kala horjeedaan Kooxaha Mukhaawamadda.

Ma’uul kale oo ka tirsan DFKMGS oo codsaday inaan magaciisa la soo xiganin, ayaa u xaqiijiyey  Wargeyska Asharqal-awsad inay Shixnadda hubka ee ay Dowladda Maraykanka u gu deeqday Dowladda Somalia ay toban maalmood ka hor soo gaareen Dowladda, isla markaana ay Ciiddamadda AMISOM ilaalo ka hayaan Bakhaaradda la dhigay Hubkaasi.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com