shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maraykanka oo Hub iyo Rasaas u diray Soomaaliya.

(Muqdisho.  June 25,  2009 Ceegaag Online)

Dawladda Maraykanka ayaa u dirtay Dekeda magaaladda Muqdisho markab Hub iyo saanad military wada kaasi oo loogu deeqay Dawladda KMG ah ee Soomaaliya sida laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska maamulka Madaxweyne Obama.
 
Sarkaalkani oo diiday in uu magaciisa saxaafadda ka sheego oo u waramayay Jariidada Washington Post aya sheegay in hubkani ku sii jeedo dekeda wayn ee Magaaladda caasimadda ah ee muqdisho si loola dagaalo mucaaradka Islaamiyinta ah ee ka soohorjeeda Dawladda KMG ah.
 
Markabkani ayaa tegay bishan Dekeda muqdisho isagoo ay galbinayaan Diyaaradaha Nooca dagaalka ee American ka kaasi oo la geeyay muqdisho si loga caawino Dawladda somalia ka hortaga Khatarta argagixisadda.
"Go'aankani ayaa samaynaya xadidaadi ugu saraysay ee la doonayo inaanay Dawladda dhicin iyadoo waxkasta loo samaynayo Xoojinta awooda dawladda iyo sugitanka amniga"ayuu yiri sarkaalkani.


Wali xaalada ayaa u muuqata mid saansaan dagaal ah waxaana socotay maalmihi ugu dambaysay oo mucaaradka ka soo horjeeda dawladda somalia xoojiyeen weeraradoodi xaga dhulka aha ee ay ku qaadayen dawlada taagta daran iyadoo ay ku dhinteen dagaalka in ka badan 200 oo qof oo uu ku jiro Wasiirki Amniga Dawladda KMG ah,Talye Booliis,Xildhibaan tasi oo ah jugwayn oo soo gartay Dawladda KMG ah ilaa iyo bishii may Dagaaladi dhacayay waxaa ku barakacay Ku dhawaad 120,000 Dagaaladi bishani dhacayay iyadoo xitaa ay jirto xildhibaanadi ka tirsana Golaha sharci dajinta ay ka cararen Wadanka.


"Waan soo dhawaynaynaa Ciidamo kasta oo deriska ah oo naga badbaadin kara Khatarta Argagixisadda caalamiga ah ee wiiqay jirtaanka Dawladda somalia"ayuu yiri Nuur cali aadan wasiirka arrimaha diinta Dawladda oo u waramayay Washington Post iyadoo Afhayeenka baarlamanka somalia dhawaantan ugu baaqay wadamadda deriska inay ciidamadoda 24-saac gudohod ku soo galan somalia wadamadasi oo ay ka mid tahay Itoobiya,Kenya,Jabuuti,Yaman.


Dawladda somalia aya sidoo kale deeq ciidan kaga dhursugaysay Dawlado sida Americanka oo isago isticmaala nidaamka ka hortaga argagixisadda gaar ahaan shakigi laga qaaday weeraradi sanadkii 1998 lagu qaaday safaaradihi Maraykanka ee Keynya iyo Tanzania.
 
Dawladaha somalia iyo maraykanka ayaa horay u yiri waxaa macquul ah in Boqolalaal ajaanib ah oo isugu jira Afghanistan, Pakistan iyo ajaanib kale oo caalami ah oo ka soodagaalamay Ciraaq,Bosnia,Afghanistan oo ku jira ururka ku jira liiska aragagixisadda ee Al-shabaab iyadoo sarakil ka tirsan maamulka madaxweyne Obama ugu eedeyen dawladda Ereteria Taageero military oo ay siiso mucaaradka ka taliya Inta badan koonfurta somalia.
Dawladda Maraykanka ayaa qorshaysay inay siinayso $10-Million dawladda somalia si loogu taageero Dhismaha ciidanka xooga dalka iyo Policeka waxana dawladda maraykanka halgan dheer ugu jirtaa sidii loo xoojin lahaa dawladda somalia oo qarka u saaran seefta al-shabaab iyo xasan daahir iyadoo washington dhawaantan lagu casumay Hogamiyayal siyaasaded oo somalia oo looga hadlayay siyaasada looga hortagayo mucaaradka xoogaystay.
 
"Taageeradda maraykanka waa lagama-maarman waxaana ad u cad in maraykanku no taageero,siyaasad ahaan,dhaqale ahaan iyo diblomasiyad ahaan u taageero dawladda somalia"ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda somalia oo jooga washington halkaasi oo uu kaga qaybgalayo kulan dhexmaraya,Puntland.Federalka,Somaliland kuna aadan la dagaalka Al-qaeda.
 
Maamulka madaxweyne Obama ayaa kaga duwan maamulki hore ee Bush shakigi ka dhashay siyaasadi maraykanka ee geeska africa gaar ahaan qaraxyadi lala beegsaday Safaaradihi Kenya iyo Tanzania.
Maamulki hore ee Madaxweyne bush dhaqaale kasta ayaa uu ku bixin jiray ka hortaga alqaacidada somalia isagoo hubeeyay dhaqalena siiyay Qabqablayashi Dagaalka iyo waliba Faragalintii Itoobiya iyo somalia oo uu taageeray maraykanka faragalintaaso lagu wiiqay awoodi Islaamiyinta iyadoo sidoo kale dhawr hawlgal oo cirka ah maraykanku ka fuliyay Koonfurta somalia kuwasi oo lagu dilay dad shacab ah iyo waliba qar ka tirsan Hogaamiyayasha Al-shabab maraykanku ku daray Waxa loo yaqaan Liiska aragagixisadda.
 
Talabadan uu maraykanku hubka ugu diray Somalia waxay u muuqata mid uu cadaadis ku saarayo dawlada Ereteria iyo xanibaadla saarayo in Dekeda kismaayo wax ka degaan.
 
si kastaba ha ahaate Taageeradani military ayaa ah mid maanka lagu hayo iyadoo markabki siday hubka uu ku sii jeedo Muqdisho.
 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com