shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaa kasoo baxay shirkii Washington ee lagaga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

(Washington.  June 26,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo maalinimadi shalay ahayd uu ka furmay Magaaladda washington ee cariga maraykanka shir looga hadlayo arrimaha somalia oo ay ka soo qaybgaleen marti sharaf iyo dad lagu casumay shirka shirkani ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Gudi hoosaadka congresska Maraykanka waxaana looga hadlayay marxaladaha arrimaha somalia shirka dadka lagu casumay waxaa ka mida Madaxweynaha dawlad goboleedka puntland Dr:c/raxman faroole,Ergayga gaarka ah qaramaddda midoobay arrimaha somalia Axmadu walad cabdal,ku xigeenka safiirka somalia ee qaramadda midoobay Bedel ciid.

Furitaanka  shirka:

Fadhiga oo uu furay guddoomiyaha Guddiga Arimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Donald Payne ayaa waxa ka hor hadlay, kana warbixiyay arimaha Soomaaliya mas’uuliyiin Soomaali ah oo ay ka mid yihiin Madxwaynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, Axmed Wald Cabdalla oo ah wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhigga Uganda Dr Crispus kiyonga iyo Ciid Baddal oo ah Danjire ku-xigeenka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Ka hor inta ayan mas’uuliyiintaasi soo bandhigin warbixintooda, ayaa waxa golaha markhaati ahaan uga hor-hadlay Dr. Ted Dagne oo ku takhasuusey arrimaha Afrika kana tirsan Xarunta Cilmibaarista ee Congresska iyo Dr. Peter Pham oo ah bare Cilmiga Sayniska ka dhiga Jaamacadda James Madison. Waxay faahfaahin ka bixiyeen xaaladda ay Soomaliya ku sugan tahay ayagoo diiradda saarey dhibaatooyinka ka taagan kooxaha xag-jirka iyo tuhunka laga qabo in kooxda Al-Qaacidda falal argagixiso ka qorsheynayso gudaha Soomaaliya.

Donald Payne ayaa kalmaddiisii furitaanka si kulul uga hadley cudurdaarka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda la magacbaxdey Soomaaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isgu codsadey in guddi gaar ah loo sameeyo Soomaaliland maadaama ayan rabin in ay meel la fariisato dowladda Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Puntland.  Mr. Payne ayaa codsigaas ku tilmaamey mid aan la aqbali karin oo ka soo horjeeda ujeeddada laga leeyahay dhageysiga oo dhan.


Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay shirka:


Madaxweynaha Dawlad goboleedka somaliyed ee puntland oo lagu marti qaaday shirka ayaa warbaahinta uga waramay shirka ka dib wixi quseeyay Puntland“Casuumaad ayaan ka helnay inaan Hadal ka jeedino ku saabsan sidii Soomaaliya Nabad loogu Soo dabaali lahaa kaligayna ma ahee Dowladda Federalka KMG ah iyo Somaliland waa la casuumay Saddex dayada Qeyboodba, Mowduuca waxa uu ahaa Mowduuc iska dhex-dhexaad ah oo looga hadlayay sidii Guud ahaan Soomaaliya oo dhan Nabad loogu soo dabaali lahaa, Arimaha Burcad Badeedana looga Hadli lahaa iyo Arimaha Bani-aadamnimo iyo Amaan daradda Guud ahaaneed”.

Madaxweynaha puntland Dr:faroole ayaa ka waramay nuxurka shirka “Nuxurka waxa uu ahaa Soomaaliya waa Dal 20 sano ku dhawaad Dagaal Aafeeyay Bur-burna ka dhacay, Wakhtigan Xaadirka ahna Wali Dowladdii Dhexe aysan Fariisan oo ay Maamulo jiraan Dhinaca Waqooyiga Puntland iyo Soomaaliland ah, Arintaasi waxaanu ka sheegnay inaanu Danaynayno in Soomaaliya Nabad lagu soo Dabaalo oo aanu Jecelnahay in Dowladdii Dhexe Hirgasho anaguna aan Ka mid nahay, Nidaamkuna uu ahaan Doono Nidaam Federal ah, Dhibaatooyinka Jirana ee Koonfur ka jirana aad baan uga Xunahay, aanuna Jecelahay in Soomaaliya Heshiiso oo Nabad Ku Heshiiso, Aduunyadana ay Gacan ka geystaan Dhibaatadaas”

Su'aalaha la weydiiyay C/raxmaan faroole:-


Marka ugu horeeya Nidaamka Shareecadda ah, anaguna waxaan u sheegnay Nidaamka Shareecadda ah anaga dhinacayaga Puntland aan joogno wuxuu noogu  salaysanyahay Shuruucdayadda oo dhan Shareecadda Islaam bay Waafaqsanyihiin, sideedana Dhaqan ahaan Soomaalidda Waxay ku dhaqantaa Shareecadda Islaamka, Xeerkeeda Dad ahaaneedna way ku dhaqantaa, waxay kaloo ku dhaqantaa Xeerka Madaniga ah ooy Dowladnimadu ku dhisantahay oo Dadku Dadku Dagsado oo Maamuladu ku Shaqeeyaan, anagu dhinacaas ayaan kaga Jawaabnay".

Haddii Dhibaatadda Xamar sii fido ma idin saameynaysaa? Ayay sidoo kale Maraykanku weydiiyeen xubnihii ka qeyb galay shirkaasi“Waxaa kaloo wax nalaga Weydiiyay Haddii Dhibaatadda Xamar sii fido ma idin saameynaysaa? Hadee dabcan waxaan niri wixii Soomaaliya gaara way na saameynayaan, waxaana jecelnahay inay Arintaasu dhamaato anaguna aan Gacan ka geysano, wixii dhibaato Soomaali ahna Raali kama Nihin dee sidaas unbaan kaga Jawaabnay”

Kulankii Dhexmaray Puntland iyo Maraykanka:


Shirkani ayaa puntland kaga faa'iidaysanaysay sida ay tahay xaaladaha puntland iyo xariirka labadda dhinac madaxweyne faroole ayaa ka hadlay cida ay sida goonida ah isug arkeen “Hay’ado kala gaar gaar ah waan la qaadanay ama ha ahaadee Hay’adaha Dowladda ka Madaxbanaan ama Hay’ado Dowladda ku saabsan, arimuhu way iska badanyihiin, anagu Dhibaatadda Soomaaliya unbaan dhinac ka nahay Culayskooda baana na saaran oo la wada ogsoonyahay, Dhulkaan hadda Puntland la baxay Soomaaliyana ka tirsan Qax baa ku socday illaa 1991”.

“Culayska Dagaaladda ah inuu soo kordhi doono oo Dad badani noo soo Qaxayaan waanu ku xisaabtanay, waxaan kaloo kala hadalnay Arinta Burcad Badeeda oo aad iyo aad dhulkaan Puntland dhiniciisa… aad ugu Batay, anaguna aan Dagaal la galnay in wax nakala qabto”.

Isku soo wadda duubo shirkani ayaa waxaa la filayaa inay ka soo baxaan natiijooyin dhaxal gal u ah siyaasadda somalia waxaana shirka hareeyay dood,Su,aallo,iyo xalinta khilaafadka somalia waxaase aan arki doona waxa ka soo baxa.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com