shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Obama oo Khudbadiisi ugu Horaysay kula Hadlaya Muslimiinta Caalamka Maanta Cairo University.

(Qaahira, Masar.  June 04 ,  2009 Ceegaag Online)

Obama ayaa ka soo Degay Magaaladda Cairo-Qaahira ee Casimadda Wadanka Masar halkaasi oo Safarkiisa looga Diyaargarobay Isla markaana ay Soo dhawayntiisa hor boodayeen Madaxaweyne Maxamed Xuzni Mubaarak iyo Shacab weyne aad u farabadan waxaana si aada loo Sugay Amaanka.
 
Wariyayaasha ku sugan Magaaladda Cairo ayaa soo sheegay in Obama Maanta Khudbadiisa Saacadu markay Tahay 10:00GMT kula Hadli Dono Muslimiinta Caalamka waxaana Madaxweyne Obama maanta u soo jeedinaya Muslimiinta xaaladaha Dunida Islaamka iyo Rer galbeedka.
 
Maxamed Xusni Mubarak Madaxweynaha Masar ayaa uu wadahadal la Yeelan doona waxana uu Kala hadli doona marka la eego Diiradii uu kala hadlay Boqor Cabdalaha Saudi sida Arrinta Khilaafka kentay ee Nuclearka Wadanka Iran iyo Khilaafka Yuhuuda iyo Palestine waxana safarkiisa maanta yahay mid aad Amaanka loo sugayo Waxaana uu la hadlayaa Kumanaan Muslimiinta Caalamka ah isagoo Qayb goob joog ka tahay halka kuwa kalena Shaashadaha Tvyadda Caalamka.


Khudbadda Maanta Xamaasad iyo Ahmiyad Gaara ayay Leedahay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com