shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Safarka Madaxweynaha Puntland ee America:Faallo.

(Qardho.  June 20,  2009 Ceegaag Online)

 Maalintii Talaadada ee todaabkii hore waxaa ka ambabaxay Magaaladda bosaso ee gobolka Bari maamul goboleedka puntland Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha puntland c/raxmaan maxamed faroole waxaana intii aanu ka ambabixin Madaarka caalamiga ah ee magaaladda bosaso warfidiyenadda u sheegay in Puntland lagu casumay shir looga hadlayo arrimaha somalia oo ka dhacaya maraykanka uuna warbixin u jeedin doono Congresska americanka faroole waxaa kale oo uu sheegay in shirkani sidoo kale uu yahay shir International oo ay ka qaybgalayan Dawladda ka Talisa Muqdisho iyo goboladda waqooyi galbeed somalia ee lo yaqaan Somaliland.

 

Madaxweynaha puntland safarkisa waxaa aragtiyo kala duwan ka muujinaya qaar ka mida dadweynaha reer puntland marka la saadaaliyo safarka Mr:faroole waxaa uu leeyahay ahmiyad gaara waxaana la filayaa in Puntland ay kaga hadli doonto shirka Xurguftanka siyaasadeed ee u dhexeeya Dawladda Sheikh sharif.

 

Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo Dawladda KMG ah.

 

Tan iyo marki lagu soo dhisay magaaladda jabuuti ee xarunta wadanka jabuuti isku daygii ugu dambeeyay ee beesha caalamku dawlad ugu yagleelayso Somalia Baarlamaanka dawladi hore ee uu  hogaanka u hayay Md:C/laahi yuusuf axmed waxaa uu ka koobna 275 xubnood oo lagu soo dhisay Embaghati Nairobi-Kenya shirkii dib u heshiisinta somalia ee 2004 waxaana shirkii jabuuti ahaa mid lagu soo dhisayay dawlad isbahaysi ah maadama uu iscasilay Madaxweyne Yuusuf oo taladda hayay 4-Sanno iyadoo aanu wakhtigisi dhamaan is casilay waxaa jirtay in shirkii hore uu ka qaybgalay Raysalwasarihi xiligas Nuur xasan Xusen Nuur-cadde la isku waafaqay in mucaaradku ku soo darsadaan dawladda jirtay 275 xubnood.

 

Sharif sheikh axmed oo ahaa garabkii DKMG ah la heshiiyay ayaa soo doortay 175 xubnood hadaba Madaxweynaha puntland Dr:Farole ayaa ka hadlay waxaana uu sheegay in Puntland ay doonayso in Qaybteeda la siiyo xubnaha dambe ee baarlamaanka lagu kordhinayo  haddi kalese aanay aqoonsandoonin Dawladaasi.

 

Sharif oo ku gulaystay Madaxnimadda somalia ayaa waxaa uu raysal wasaare u magacaabay Nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Puntland taasi oo Puntland soo dhawaysay balse Dawladda sheikh sharif ayaa sheegtay dhawr jeer Erayga "Midnimo-Qaran" taasi oo puntland aad uga caraysiisay waxaana puntland sheegtay inay la shaqaynkarto oo kaliya Dawlad "Federal ah" waxaa muuqata kala aragti xaga afkaarta ah.

 

Hadaba Dawladda sheikh sharif ma waxa ay aaminsantahay in Maamul goboleedadu ay hoos yimaadaan mise In loo maamulo dalka sidii Nidaam Federal ah "States" puntland waxay ka mida tahay meelaha ugu amniga fiican intii ay dhisnayd waxay samaysay Horumar aad u baaxad wayn iyadoo Dakhliga puntland uu ka soo boxo Dekeda caalamiga ah ee Bosaso iyadoo Dhaqaalaha puntland yahay mid kaafiya ayaa hadana waxaad ka garan kartaa Miisaaniyadda Golaha xukuumadda oo la kordhiyay.

 

Shirka America Puntland Maxay kaga hadli doonta?.

 

Aniga oo Tixraacaya Hadal uu madaxweynaha puntland u jeediyay siyaasiin Magaaladda Qardho waxaa uu yiri"puntland waxay ogoshahay Nidaam federal ah Dadka Xamar ka taliya ayaa ka dhega adag laakiin ma garanayno taas kolay waxyaabahasi waxa ka mid noqon donaan waxan ka wada hadli doono dawladda".

 

"Dawladi dhismehedu wa Baseka inagu dawladan waan ku dulmanahay 175 xubnood oo dambe qof kuma lihin tii horena anaa ka qaybgalay oo waa ku dulmanayn Tiro wasiiro ah iyo Raysalwasaraha ayaan leenahay waa layska war hayaa Talagooyada waxaa iska leh Dadkaasi aan inaga ahayn (Wasiiradda hadda waxay u badan yihin xubnihi Isbahaysiga asmara oo Mucaarad ku ahaa Dawladi uu hogaanka u hayay C/laahi yuusuf).

 

Dhamaan hadaladasi aan ka so ururinay Hadalkisa Madaxweynaha puntland waxay noqdeen kuwa soo ifbaxa.

 

Madaxweynaha puntland ayaa sidoo kale ka hadli doona hawlagalo dhawr ah oo ay fuliyeen ciidamadda amaanka ee puntland kuwaasi oo lagu soo qabtay kooxo burcad badeeda ah iyadoo sidoo kale ay dawladda maraykanku siin doonto puntland 20 million oo dollar oo uu dalbaday madaxweynaha puntland sidoo kale waxaa jirta in dawladda maraykanku ka caawisho puntland dhanka sirdoonka oo ah hayadda(Puntland Itellegence service) oo maraykanku maalgaliyo.

 

C/rashid Maxamed Daahir

Rashid@ceegaag.com

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com