shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shir lagu agaasimayay samaynta urur siyaasadeed  matala Soomaalida reer New England oo shalay ka dhacay masjid jaamaca magaalada Boston.

(Boston.  June 08 ,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa shalay oo taariikhdu ahayd June 07, 2009 ka dhacay magaalada Boston ee caasimada gobolada lays ku yidhaahda New England shir ay jaaliyada Soomaaliwayn ee ku dhaqan goboladan ugu samaysanayeen urur siyaasadeed u matala danahoodaxaga siyaasada ee jaaliyada.

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen aqoonyahada reer Boston ah ayaa waxaa iyaguna ka soo qayb galay hogaamiyayaasha gudibulsho yeedada ee magaalada Boston dhamaantood. RIAC, SDC, ASEDON, BIS, iyo SIRAD. Iyo urur dhalinyareedka Somali Alliance.

Isbaraarujin diiniya oo uu soojeediyay C/laahi Canshuur ka dib waxaa bilowday shirka iyada oo durbadiiba la bilaabay in lagu qaadaa dhigo siyaabaha loo mideenkaro jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan New England.

Ugu danbayntii waxaa laysku raacay in aan dadka loo iidaamin hadalka ee loo qayaxo lana bilaabo samaynta urur siyaasadeed. Iyada oo lala kaashanayo gudiyada jaaliyada ee hada jira.

Macalin Warfaa ayaa dadka ku booriyay sharaxaadna ka bixiyay macnaha masuuliyada, isaga oo dadka ku booriyay inay marka hore ogolaadaan in la hogaamiyo oolays hogaamiyo waayo ayuu yidhi cidina kuumo ogola inaad is hogaamiso oo aad hogaan yeelato.

C/qaadir Yaasiin ayaa isna sharaxaad ka bixiyay faraqa u dhexeeya ururka iyo jaaliyada kadib markii Sheikh Yuusuf taageeray in lasameeyo urur  siyaasadeed isla maantaba, sidoo kale C/qaadir  yaasiin oo ah madaxa ASEDON ayaa tageeray in la sameeyo urur siyaasadeedka.

Siciid Xasan oo ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku guulaystay inay samaystaan nolol Jaamici ahna, arod yahan caan ah isagoo dadka ku booriyay in ciyaalkeena la daba qabto, sidoo kalena laga qayb qaato doorashada Mayerka magaalada Boston MANINO oo ah ninka Islaamka ka difaacay weeraradii ay ku soo qaadeen dadka cunsuriyiinta ah ee neceb diinta Islaamka.

Maryan Gaas oo ah madaxa RIAC ayaa iyana shirka ka sheegtay in dhibaatada Soomaalida haysata ee ay ka timid xaga Raga, iyada oo dhaliishay in aan ragu masuuliyadii ilaahay saaray ayna ka soo bixin, kuna mashquul sanyihiin siyaasada Soomaaliya ee fadhiku dirirka, caruurtiina basbeeshay uusana jirin ilmo aabihii ka caawiyo shaqoguriyeedka Iskuulada laga soo siiyo. Iyada oo hadalka ku soo gabogabaysay in Soomaaliya loo daayo raga jooga ee raga reer New England u taliyaan dadka halkan jooga.

C/raxmaan oo ah madaxa SDC ayaa isna taageeray in aan lagu dagdagin in gudi la sameeyo balse loo talo iyo xogba urursado.

Ugu danbayntii waxaa laysku raacay  samaynta Gudi farsamo  oo laysku wacadsaday in lala shaqeeyo loona hogaansamo go'aanadooda.

Waxayna kala yihiin

  1. Pro. Xuseen Dayib (Gudeemiye)

  2. Maryan F. Guure (Xubin)

  3. Nuur Aadan (Xubin)

  4. Maxamed X. Warfaa (Xubin)

  5. Cabdiraxmaan Nuur (Xubin)

  6. Muluuko Dheere (Xubin)

  7. Cabdala Shibiin (Xubin)

 

Daawo sawirada shirka intooda kale

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com