shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ururka Al-shabaab oo weerar ismiidaamin ah kudilay Wasiirkii Amniga Qaranka Soomaaliya Col.Cumar Xaashi Aadan

(Baladwayne.  June 18,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweynaha DFKMG oo ka hadlaya dilka Wasiirka iyo Danjiraha  Halkan ka dhagayso (bbc)

            Cumar Xaashi                              Cabdikariin Laqanyo     

Wararka ka imanaya magaalada Baladwayne ee caasimada gobolka Hiiraan ayaa sheegayain saaka 11:26 barqonimo uu nin ka tirsanaa ururka Al-shabaab  ee Soomaaliya  uu weerar is miidaamin ah ku qaaday Hoteelka Madiina oo ku yaalay bariga magaalada Baladwayne.

Weerarkan ayaa waxaa ku geeryooday dad aad u badan oo Soomaali ahaa oo ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsanaa Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, Nabadoono, Siyaasiyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah.

Dadka ku geeryooday ayaa waxaa ka mid ahaa ilaahay ha u naxariistee wasiirkii Amniga Qaranka Col.Cumar Xaashi Adan iyo Denjirihii hore ee Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya Cabdikariin Faarax Laqanyo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com