shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xasan Daahir aways oo Hadlay ka Dib Wararkii Sheegayay inuu Geeriyooday!

(Muqdisho.  June 08 ,  2009 Ceegaag Online)

Aweys shirkiisa jaraa'id ayaa waxaa ugu muhiimsanaa oo uu siweyn uga hadlay arinta ah in uu dhintay ama dhaawacmay waxaana uu sheegay in ay arimahaasi yihiin kuwo been ah oo ay ka mid tahay sida uu sheegay beenta iyowarxumo tashiilnimada dadka kufaarta ah ay wadaan waasida uu hadalka u dhigaye.


"Aniga waad i arkeysaan hada waana I hor fadhidaan, hadalada la isla dhexmaraya oo sheegaya in aan dhintay waa been waa wax lagu doonayo in lagu waxyeeleeyo mujaahidiinta" hadalkaas ayaa waxaa yiri Xasan Daahir Aweys oo ay dhinacyada ka fadhiyeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan ururka Xisbul islaam iyo Xarakada Shabaab (diin xukun ku raadiyayaasha).


Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu sidoo kale shirkiisan jaraa'id kaga hadlay arimo kale oo ku aadan siyaasada ururka Xisbul islaam isagoo sheegay in ay dagaalka ay kula jiraan dowlada sii wadi doonaan ayna meelna kaga hadhi doonin ilaa iyo inta ay guul ka soo hoynayaan.
 
Marka laga soo tago Shirkiisa Jaraa'id ee uu Maanta kula hadlay Saxaafadda waxaa Xasan Daahir Aweys oo wareysi siiyey Idaacada Andalus oo ah idaacad hoos tagta maamulka Islaamiga ah ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in uu caafimaad qabo isla markaana aaney jirin wax dhibaato ah.

Waxa uu sheegay Sheekha in hadalka sheegaya in la dilay ama uu soo gaaray dhaawac halis ah mid ay faafiyeen waxa uu ugu yeeray cadawga Islaamka oo doonaya buu yiri in la laayo dadka muhiimka ah ee Islaamka ah sida uu hadalka u dhigay, si ay niyad jab ugu noqoto mujaahidiinta dagaalka ka wada dalka gudihiisa.

"Al Xamdu LILLAh aniga waan bad qabaa ma jirto wax dhib ah oo aan qabo, mi jiraan dhaawac isoo gaaray dhimashana waqtiga uu ALLE I oofsado ayaan dhimanayaa, waan maqlay wararka idaacaadahu igabeen abuurteen  ee ay qoreen warbaahinta ama ay sheegeen laakin warkaasi waa mid uu faafiyey cadawga "sidaa waxaa yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Wararka soo baxayay iyo Hadalka Mr:Aways ayaa ah mid aad loogu hanwaynaa iyadoo warar lagaga Dhawaaqay saxaafadda Qaarked lagu sheegay in Mr:Xasan Daahir aways Xijaabtay.

Dhinaca kale dagaalo faraha loogaga gubtay oo dhawaan ka dhacay deegaanka Wabxo ayaa waxaa ku geeriyooday dad ka badan 60 ruux oo isugu jiray dhinacyadi halkaasi ku dagaalamay iyadoona Wabxo ay la wareegeen xoogaga Xisbul Islaam iyo Xarakada Al-Shabaab oo dhinac ah.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com