shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaan/Marxuum Maxamed Xuseen Caddow oo lagu dilay waqooyiga magaalada Muqdisho

(Muqdisho.  June 19,  2009 Ceegaag Online)

Dagaalo culculus ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, dagaaladan oo u dhexeeya kooxaha Alshabaab/Xisbul Islaam iyo dawlada federaalka ee Soomaaliya.

Dagaaladan ayaa waxaa ka bara kacaya dad aad u badan oo deganaa waqooyiga magaalada Muqdisho, halka dawladu ilaa hada ku guulaysan la'dahay inay u xoog sheegato kooxa ka soo hor jeeda oo iyagu diidan haba yaraatee in dawladi ka dhalato Soomaaliya.

Dhinaca kale warar iska soo daba dhacaya oo is burinaya sheegaya in Xildhibaankii labaad kooxaha Al-shabaab ku dileen magaalada Muqdisho iyaga oo horay u dilay xildhibaan ka tirsanaa Dawlada Midnimo Qaran, balse waxaa la sheegayaa in xabad cid soo riday aan la garanayn xildhibaanka ku dhacday iyada oo ay dhici karto in dad diidan nabada Soomaaliya meel qarsoodi ah ka soo toogteen Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cadow.

Maalintii shalaytana ay is miidaamin uga takhaluseen wasiirkii ugu awooda waynaa galaha wasiirada Soomaaliya.

Kooxaha Al-shabaab ayaa laga filayaa inay gacanta ku dhigaan magaalooyinka Garoowe iyo Hargaysa hadii ay ku guulaystaan riditaanka dawlada midnimo Qaran ee Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com