shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qurba Joogta reer Waamo ee asal ahaan ka soo jeeda SSC oo dhisme magaalo cusub ka bilaabay Kooyaame Kundeeqa.

(Kooyaame kundeeqa, G. Jubada Hoose.  March 07,  2009 Ceegaag Online) 

Wararka nagasoo gaadhaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose ayaa sheegaya in ay 30 Wiil oo reer waamood ah asal ahaana ka soo jeeda SSC ay magaalo 42 Km ka xigta Kismaayo Xuduuda Raaskaambooni ka bilaabeen dhismo magaalo casri ah oo ay ugu talo galeen in ay u xagaa saaraan Caruurtooda ku cabudhantay wadamada Dibada.

Magaaladan ayaa waxaa kale oo loogu talo galay in ay kusoo guryo noqdaan dadkii reer Kismaayoodka ahaa oo hada ku baylahoofsan Xero qaxootiyaadka Kiiniya. iyadoo magaaladan cusub durdaba laga bilaabay dhismaha iyo Dhul qaybinta taasoo loo sameeyay dad iyagu diyaar la'ah inay lacagtooda adag ku maal galiyaan Kooyaame kundeeqa.

Waxaa noo suuro gashay inaanu waraysi la yeelano Gudoomiyaha Gudiga Taakulaynta ee dibada ka dhisan Xasan Boqow. Anagoo waydiinay meesha ay hawshoodu maraso waraysigiina waxa uu u dhacay sidatan ee dhagaysi wanagsan                                  Dhagayso.

Xasan Boqow

Waxaa durdaba bilowday dadka daneenaya ee doonaya inay la bilowdaan degitaanka magaaladan cusub oo mustaqbalka dhaw la filayo inaanu caruurtayada uga xagaa saarno wadankan Mareekanka  waana tan qaar ka mida dhalinyarada haatan u tafa xatay ka dhabaynta hamigooda ay in badan ku taamayeen oo  dhex mushaaxaya Kooyaame Kundeeqa Daawasha wacan.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com