shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cabdillaahi Kongo “ waa qayrul dastuur in madaxwayne wali kursiga ku fadhiya la maxkamadeeyo”

(Sudan.  March 04,  2009 Ceegaag Online) 

Cabdillaahi Kongo oo ah siyaasi Soomaaliyeed oo in badan ka soo shaqeeyay wasaaraddii arrimaha dibadda ee Soomaaliya muddo ka badan 30 sannadoodna ahaa safiir meelo kala duwan Soomaaliya u fadhiyay gaar ahaan muddo dheer wakiil Soomaaliya uga ahaa Jaamacadda Carabta ee fadhigeedu yahay dalka Masar ayaa maanta si kulul u weeraray siyaasadda reer galbeedka ee ka danbaysa danbiga lagu soo oogay madaxwaynaha dalka Suudaan Cumar Albashir. Cabdillaahi Kongo oo u warramayay idaacadda BBCda ayaa ku tilmaamay seemanka loo keenay madaxwaynaha mid sharafdhac iyo karaamo darro ku ah dhammaan waddamada  Africa, Carabta, Muslinka iyo waddamada dhexdhexaadka ah.

Cabdillaahi Kongo oo wax badan ka yaqaan culuunta sharciga iyo xeerarka caalamiga ah ayaa ku tilmaamay tallaabadaas ay qaadday maxkamadda adduunku mid la doonayo in lagu dumiyo horumarka ay gaadhay Suudaan iyo in layska horkeeno dadka walaalaha ah ee reer Suudaan. Cabdillaahi Kongo ayaa ka digay in haddii ay tani u hirgasho reer galbeedka in ay dhaxalsiinayso waddamada xorta ah ee Afrika iyo dunida saddexaad oo dhanba cawaaqibxumo iyo gumaysi cusub.

Dhinaca kale banaanbax wayn oo ay ka qayb galeen boqollaal kun oo Reer Suudaan ah lagagana soo horjeedo seemanka loo keenay madaxwaynahooda ayaa ka dhacay magaalada Khartuum  iyo magaalooyinka waawayn ee dalkaasi.

Dadka ayaa ku muujiyay bannaanbaxaas sida ay uga xunyihiin dacwaddas been abuurka ah ee lagu soo oogay hoggaamiyahooda isla markaana ku muujinayay  taageerada ay u hayaan Madaxwayne Cumar Xasan Albashir.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com