shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xaflad lagu taageerayo Dawlada Cusub oo ka dhacdey Abu Dabi

(Abu Dabi,  March 22,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa  Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo ay soo qaban-qaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta , oo loogu muujiyay taageero weyn oo hiil iyo hooba leh ummadda Soomaaliyeed doorashadii Madaxweyne Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo dhismaha golahiisa Wasiirada, madaxne uu ka yahay Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa xalay oo Jumcaha ahayd kuna beegnayd 20/03/2009 , lagu qabtay Hoteelka caanka ah ee Hilton - Abu Dhabi .
 
Tirada dadweynaha  ka soo qaybgashay  kulanka oo kor u dhaaftay ilaa shan boqol oo qof waxaa erayo guubaabin iyo tusaaleyn ah ka soo jeediyay madax sare oo ka socotay guddiga jaaliyadda iyo Safaaradda dalka Soomaaliya uga furan magaalada Caasimada u ah Imaaraadka ee Abu Dhabi.
 
Ugu horreyn waxaa xafladda lagu bilaabay heesaha qaranka ee labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, kadibna waxaa laga aqriyay aayado Qur'aanka Kariimka ah oo uu dabajoogay wacdi Diini , soona jeediyay Sheikh Cumar Cali Maxamed  (Cumar Shiino).
 
Waxaa iyana markaas kadib erayo kooban oo lagu ayidayo hoggaanka cusub ee qaranka , dhismaha Dawladda iyo waliba hawsha nabadeynta dalka halkaas ka soo jeediyay Guddoomiyaha Jaaliyadda Maxamed Cabdi Nuur, Safiirka Soomaaliya u jooga Imaaraadka  Axmed Maxamed Cigaal iyo Drs. Khadra Bashiir oo ku hadashay magaca haweenka Soomaaliyeed .
 
Intaa kadib waxa barnaamijka lagu soo dhaweeyey Mustafa Akhyaar oo ka mid ah Gudiga jaaliyadda Somaliyeed   Isagoo  halkaas ka soo jeediyey Gabay Carabiya oo ka hadlaya xaaladda wadanka somalia, waxaa sidoo kale ka qayb qaatey barnaamijka dhalinyaro aad u fara badan oo qiiraysan kuwaas oo qaadaya erayo ay ku maamuusayaan dawladoodda cusub ee somalia.  
 

Madaxdii munaasabadan goob-joogga ka ahayd waxay kala ahaayeen Danjiraha Soomaaliya Axmed M. Cigaal, Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Idiriis Axmed Shirwac, Ex-Danjire Cabdi-Nuur Cali Yuusuf, Ex-Danjire Cabdirahmaan Cusmaan Cumar, Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed Xuseen Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Jaaliyadda Maxamed Cabdi Nuur , Ex-General Maxamed Adan (Dhega-Cadde),Am. Cali Qaasim iyo madax kaloo aad u tira badan , oo aan halkaan lagu soo koobi karin . 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com