shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya oo ka badbaaday shirqool ladoonayay in lagaga takhaluso

(Muqdisho,  March 26,  2009 Ceegaag Online) 

Ciidamada ladagaalanka nabada Soomaaliya ayaa maanta si badheedha isugu dayay inay ka takhalusaan wasiirka arimaha gudaha ee Soomaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar. Wasiirka ayaa ah ninkii madaxa u ahaa halgankii muqaawamada ee lagu diidanaa Ciidamadii Itoobiya iyo dawladii uu madaxda ka ahaa Madaxwayne Yuusuf.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa isagu ah nin ay aad u tixgaliyaan badanaa Horjoogayaasha muqaawamadu isagoo hada arkay wixii haystay Dawladii hore ee Soomaaliya, iyo xaalada dadkii uu lasafnaa ee uu muqaawamada kula jiray, dadkan oo ku sifoobay Gumaadka shacabka Soomaaliyeed uun.

Cadaalad darada ku habsatay Soomaaliya iyo isku daygaa dil wasiirku isaga oo ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Nafta ilaahay baa leh mahan wax qof shaqsi ahaan u leeyahay qofkastana waa ku amaano niga waan caafimaad qabaa waa Alle mahadii, waana garanayaa dadka qaraxaan ka dambeeyay waana iska qaban doonaa inshaa allaah, wax walbana wey dhamaan doonaan"ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo madax u ahaa Hogaankii Maxkamadaha Islaamka.

Kooxaha ladagaalanka Nabadaynta Soomaaliya ayaa caadeestay baryahan danbe inay sida Maska Jirjiroolaha ah hadba shaati nooca xidhashadiisa ku dhawaaqaan iyaga oo iska indho tiraya dhiigbaxa umada Soomaaliyeed. Doraato uun bay ahayd in shaqsi Birmagayda ah waa madaxii Isbataalka Madiina e Dadka tabaalaysan ee ay gumaadayaan ka dhex qaadaan oo dilaan. Arintaa oo aan ilaahay ka yeelin sidii ay la rabeen sida tan maanta ku dhacday wasiirka Arimaha Gudaha.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com