shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dawlada Soomaaliya ka hanaqaadi rabta oo hididiilo wanaagsan ku abuurtay Aqoonyahanada dibadjooga ah ee Soomaaliyeed

(W.Ameerika.  March 19,  2009 Ceegaag Online) 

Waxaa soo badanaya dadka Jibeesan ee usoo banaan baxaya inay shucuurtooda ku muujiyaan sida ay u daneenayaan inay arkaan Soomaaliya oo dib ugu soo biirta wadamada Caalamka mar uun. Waxaa soo  badanaya shirarka Gooni goonida ah iyo kuwa gaarka ah ee Soomaalidu fooda iskula jiraan baryahan danbe magaalooyinka waqooyiga Ameerika.

Magaalooyinka Boston, Minneapolis, Ohio, Washington Seattle, Nashville Tennessee, Virginia, Toronto Canada, Edminton Canada, Ottawa, iyo magaalooyin badan ayaa waxaa kasocda shirar ay yeelanayaan Aqoonyahanadii ka jiifay Soomaaliya mudada aadka U dheer.

Dhinaca kale warbaahinta aan Raaliga ka ahayn in Soomaaliya Lugeheeda isku taagto ayaa soo daabacaya in Aqoonyahanadii Soomaaliyeed ee ku sugnaa gudaha dalku ay dalkii kasoo baqo cararayaan arintaa oo aan sal iyo raad toona lahayn.

Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaa waxay kala kulmeen ilhaano aan laqiyaasi karin kadib markii ay ku guuleesteen inay uun helaan shaqooyin aan u qalmin oo ay badanaa qaban karaan dadka aan iyagu waxba baran ama aan waxna qorin waxna Akhrin. Qaranjabkii Soomaaliya ku habsaday ayaa waxa uu u muuqdaa inuu hada Bisleeyay dadbadan oo cuqdad ama qashin Jeebadaha uga buuxay. Dadka Soomaaliyeed ayaan hada bilaabay inay usoo hiloobaan dalkii Hooya tasoo dardar galindoonta dib u dhiska dalka Soomaaliya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com