shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxaad Kala Socotaa Horumarka Aqooneed ee Jaamacada Nugaal University (Warbixin-Sawiro).

(Laascaanod.  March 21,  2009 Ceegaag Online) 

Shir balaadhan oo uu maamulka Jaamacada Nugaal University ku qabtay Hoolka Shirarka ee Hotel Xamid International ee magaalada laascaanood ayaa ay kusoo bandhigeen horumarkii ay Jaamacadu samaysay mudadii ay jirtay.

Shirkan maanta oo ay kasoo qaybgaleen Qaybo kamid ah bulshada Reer Laascaanood,Ganacsato,Aqoonyahano,Culumaa'udiin ayaa maamulka Jaamacada Nugaal University waxay kusoo bandhigeen horumarkii ay samaysay jaamacadu mudadii ay jirtay,iyadoo sidoo kale kulankan lagu soo bandhigay horumar hor leh oo jaamacadu higasanayso waqtiga dhow,

                        

Shiikh Axmed Maxamed Saleebaan oo kamid ah culumaa;udiinka deegaanka ayaa ugu horayn shirkan ku furay qowlka eebe iyo kalmado diiniya,isagoo shiikhu wax badan ka taabtay diinta iyo sida ugu wanaagsan ee laysku waafajinkaro diinta islaamka iyo horumarka waxbarashada casrigaa,

Sidoo kale shiikhu wuxuu intaa ku daray in waqti badan ay culumada iyo jaamacada Nugaal University ay wada shaqayn lahaayeen,horumar badana ay samaysay jaamacadu mudadii ay jirtay,

Hadalkaa shiikha ka bacdi waxaa kulankan ka hadlay gudoomiyaha gudiga jaamacada Nugaal University Cabdirashiid Jaamac Biixi,gudoomiyuhu wuxuu in badan ka taariikheeyay taariikhdii kala duwanayd ee soo martay jaamacadu iyo fikradani waxay ku timi in la yagleelo jaamacad ay dadka deegaankani wax ka bartaan,

                       

Gudoomiye Biixi wuxuu sheegay in markii dib loo furay dugsiga sarre ee muuse yuusuf Sanadkii 2000,ay ardaydii ka qalinjabisay ay ku timi baahi inay helaan waxbarasho jaamacadeed in dad deegaankana ay keeneen fikrada in la helo jaamacad ay dadka deegaankani ay ka heli karaan waxbarashadii jaamacadeed,fikradaas lagu yagleelay jaamacadan hada aynu ku naaloonayno ee Nugaal University,taasoo ay hada maraysa marxalad wanaagsan,

Gudoomiyuhu wuxuu si aada uga dheeraaday horumarka waxbarasho ee dadka deegaankan,oo uu sheegay in taariikhda la xasuusto in deegaamadani ay ahaayeen meel dhanka waxbarashada aad ugu horeeya,

Gudoomiyuhu wuxuu dardaaran u diray qoysaska ka hayaamaya deegaankooda kuwaasoo ku sheegay inay ka faa’iidaystaan horumarka loogu jiro wax wada qabsiga iyo tacliinta heerkeedu sareeyo,isagoo jaamacada ku booriyay inay daraasad ka sameeyaan asbaabta dadka raraysa,

Hadalkaas gudoomiyaha gudiga Jaamacada Nugaal University ka bacdi waxaa hadalka qaatay Vice Chancelorka Jaamacada Nugaal University Cabdinaasir Maxamed Barre (Abu Shaybe) oo ka warbixiyay marxalada ay hada ku jirto jaamacadu iyo himiladeeda waqtiga dhow,

                  

Abu Shaybe wuxuu sheegay in dufcadii ugu horaysay in ay Jaamacada ka qalin jabinayaan waqtiyada inagu so foolka leh,iyadoo jaamacadu qaadanayso arday cusub oo kuliyadaha kala duwan ee jaamacada laga barto ah,

Abushayne wuxuu sheegay in jaamacada Nugaal University ay xidhiidho la samaysay jaamacado kala duwan oo ku kala yaal Guud ahaan dalka oo dhan iyo weliba kuwa dibadaa,sidoo kale wuxuu tibaaxay Pro:Abu Shaybe in sidoo kale ay xidhiidho wanaagsan ay leeyihiin qaar kamid ah hay'adaha caalamigaa sida hay'ada WFP oo uu sheegay in isla qaateen inay ka fuliyaan deegaankan daraasad ku saabsan isticmaalka aalada Computerka ee dadka magaalada,sidoo kale wuxuu Proversorku sheegay inay xidhiidho badan la leeyihiin dadka qurba joogta ee deegaanka oo xidhiidh fiican ka dhexeeyo wax badan ay ka taageeraan jaamacada,

Abu Shaybe inay yaalaan jaamacada fursado muhiim ah kuwaasoo waxtar wayn u leh ganacsatada,taasoo tababar dhanka khibrada ganacsiga ay siinayaan shaqaalohooga,iyo sida ugu fudud ee ay usoo jiidan karaan macaamiishooda,

Amiir Jaamac Max'e Mirre (Digaale) oo ku hadlayay kalmada shacabka ayaa sidoo kale shirkan ka hadlayay,Amiirku wuxuu mahadnaq u jeediyay dadka ku hawlan jaamacada Nugaal University,isagoo sidoo kale amiirku ka warbixiyay xogta uu ka hayo jaamacada oo uu sheegay in waqtiyo badan uu kasoo qayb galay kulamo loo qabanayay jaamacada Nugaal University,

                     

Amiirku wuxuu ku bogaadiyay dadka ku hawlan jaamacada inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan,dhismaha loo dhisayo jaamacadana uu noqdo mid laga wada qayb qaato,

Hadalkaa Amiirka dabadii waxaa iyana madasha ka hadashay Marwo Ugaaso Xasan Cali oo ku hadlaysay kalmada ardayda wax ka barata Jaamacadda Nugaal University,Ugaaso waxay sheegtay in ardayda jaamacada wax ka bartaa ay yihiin kuwa intooda badan shaqooyin ku helay wabarashadii ay jaamacada ka barteen,iyaduna ay tahay mid iyadoo hawleheeda ganacsi wadata hadana waxbarashadeeda wadata taasoo ay si wayn ugu qanacsantahay in qofku helo waxbarasho isagoo deegaankiisii wax ka baranaya,Marwo Ugaaso waxay aad ugu dheeraatay muhiimada ay jiilka soo kacay u leedahay inay deegaankooda ka helaan waxbarasho tayaysan taasna dadaal loogu jiro loona baahanyahay in laga wada qayb qaato,

Shirkan ay qabteen maamulka Jaamacada Nugaal University waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa aqoonyahano macalimiin ka ah jaamacado kale kuwaasoo,maamulka jaamacadu ka codsadeen inay ka caawiyaan inay waqtigooda qaar kamid ah siiyaan sidii ay casharo uga dhigi lahaayeen jaamacada Nugaal University,taasoo ay ku guulaysteen,

Aqoonyahanada joogay kulankan waxaa kamid Provesaro wax ka dhiga jaamcada East Africa ee magaalada Boosaaso iyo sidoo kale Provesor Axmed oo luuqa Egnlishka ka dhiga Collageka GTEC ee magaalada Caasimada ah ee Garoowe,

Gabagabadii Kulankan waxaa ka hadlay Proversor Cabdirisaaq Maxamed Aadan (Lafoole) oo ah Chancelorka Jaamacada Nugaal University safaro uu jaamacada taageero ugu raadinayay kaga yimi wadamo dibada ah,kuwaasoo ku kala yaal Yurub Iyo Waqooyiga Ameerika,

Provesor Lafoole wuxuu ugu horayn salaan uu ka waday dadka qurba joogta deegaanka u jeediyay dadkii kulankan joogay,intaas ka bacdi wuxuu Lafoole ka warbixiyay safaradisii dibada uu ku maray,isagoo Proversorku sheegay in uu dadkii uu la kulmay ay ahaayeen kuwo u nugul taageero ay dadkooda siiyaan iyagoo samaystay gudi taageera jaamacada Nugaal University kuwaasoo ka kooban 11 kalana jooga North America Iyo Europe,

Lafoole wuxuu sheegay in loo baahanyahay in dadkani ay muhiimada koowaad siiyaan sidii ay kor u eegi lahaayeen,dadkii uu qurbaha kula soo kulmayna ay ahaayeen dad doonaya inay deegaankooda ka hirgeliyaan aqoon heerkeedu sareeyo,wuxuu kaloo intaa ku daray inuu la qaatay aqoonyahano deegaankaa oo ku nool wadamadaas kulamo,kuwaasoo ka balan qaaday inay taageero degdega siin doonaan jaamacada Nugaal University,ugu horayn waxa balanqaadeen inay samayn doonaan web caalamiya oo jaamacadu yeelato,

Lafoole wuxuu intii lagu gudo jiray kulanka uu gudoonsiiyay ku xigeenkiisa buugaag aqooneed tayadoodu sarayso,kuwaaso iskugu jira kuwo ESOL Core Curriculum oo loogu talo galay inay ka faa'iidaysaan dadka waawayn

Xigasho: Lasanod

webmaster@ceegaag.com