shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Muritaaniya oo dalkeeda ka caydhisay safiirkii reer Israa’iil

(Muriyaaniya.  March 09,  2009 Ceegaag Online) 

Dawlda Murutaaniya ayaa dhamaanba u jartay xidhiidhkii jilicsanaa ee ay la lahayd Sahnuuniyada Bariga dhexe. Wasiirka arimaha dibada ee Murutaaniya ayaa amarku siiyay in mudo 48 eed Sacadooda ay xamaantooda uga urursadaan wadnka hadii kale!!

Dawlada Murutaaniya ayaa ka jawaabasay Dagaalkii waxashnimada lahaa ee ay dawlada israa’iil ku gumaaday shacabka marinka Qaza. Iyo codsi uga yimid Madaxwaynaha Siiriya Bashaar AL-Asad oo ka cadsaday dawladaha Masar iyo Urdun iyo Muritaaniya inay xidhiidhka u jaraan Xukuumada Sahnuuniyada ee Bariga dhexe.

Dawlada Israa’iil ayaana wali wax hadal ah kasoo saarin wajigabaxan uga dhacay Murataaniya amaba waqooyiga Afrika.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com