shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Sheekh Aadan Madoobe iyo Abuu Mansuur oo Xaga Saxaafada Isku Weeraray

(Somalia.  March 05,  2009 Ceegaag Online) 

Wadaadka aan diinta sida aadka ah u aqoonin ee afhayeenka u ah  urur ka Al-shabaab ee loo yaqaano Abuu Mansuur ayaa si kulul u qaadacay eedeemo uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ka sii daayay Idaacada Afka dheer ee BBC da.

Gudoomiyaha hadaladiisii waxaa ka mid ahaa oo uu yidhi "Abuu Mansuur Waa nin Soomaaliyeed, balse hadda waxaa uu u shaqeeyaa dad shisheeye, si aan ula hadalno ma naqaano, ma awoodno inaan dad ajanabi ah Baarla-maankeena ku soo darno, marka uu iska saaro dadkaas waan la hadlaynaa Abuu Mansuur, waxaa naga dhaxeeya talada dalka"

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe) oo ku sugan Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenyaisaga oo hadalka sii wata  ayaa ku tilmaamay Afhayeenka Ururka Al Shabaab nin u adeega dad ajanabi ah oo ka kala yimaadeen waa sida uu yiri Caalamka oo dhan.

Sh Aadan Madoobe ayaa hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay ”Abuu Mansuur Waa Staff, Waxaa uu ilaaliyaa Dad Ajanabi ah, Marka uu Soomaali noqdo” ayaan is hor fadhiisankarnaa danaha Soomaaliyana kawada hadli karnaa ee bal horta

sidoo kale afhayeenka ururka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Al-Jazeera qeybteeda ku hadasha Afka Carabiga ayaa ku nuuxnuux saday hadafka Al-shabaab isaga oo yidhi "Hadafkeena waxaa uu yahay inaan Dagaalka sii wadno, si loo helo dhab ahaanshaha ku dhaqanka shareecada Islaamka cid walba oo taas ka hortimaadana waan iska leexinaynaa"

 Waxaa kale oo uu aad u beeniyay Hadalka Sheekhmadoobe oo ahaa in  aas aaska Ururka Alshabaab ay ku lug leeyihiin dad shisheeye ama ajaaniib, isagoona sheegay in Ururka Al-Qaacida ay aysan ka mid aheyn, balse ay wadaagaan dhanka talooyinka.

Waxaa kale oo uu Abuu Mansuur oo intaa ku daray in aanay jirin wararka sheegay in ay doonayaan in ay gaaraan Ilaa Gobolka Alaska ee Mareykanka, sida uu horay uga dhawaajiyay Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo sheegay in ay dagaalada sii wadayaan ilaa ay ka gaaraan Alaska, Jasiiradaha Solomon ilaa Japan.

Mar la weydiiyay sababta keentay inay ka horyimaadaan Dowlada uu hogaaminayo Sheekh Shariif oo horay u ahaa hogaamiyihii Maxkamadaha Islaamka, ayuu ku jawaabay "Xukuumada Sheekh Shariif waxay wadataa dastuurkii aan ku diidnay C/llaahi Yuusuf, mana ahayn sababtii aan C/llaahi ula dagaalanay inuu ka yimid Puntland, ee waxay ahayd inuu dastuurka aamisan yahay oo uu diidan yahay Islaamka, ma taageersanin, waxaana ula dhaqmaynaa sidii aan ula dhaqanay TFG-da".

Waxa uu hadalkiisii kusoo gabo gabeeyay Abu Mansuur isga oo yidhi magaca Ururka Alshabaab waxaa  aas aaseen Dad Soomaali, waxaana uu sheegay in Ururka si buuxda ugu howl galo Gudaha Soomaaliya, isla markaana ay ku mideysan yihiin dhalinyaro Soomaali ah oo ka go'an in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka.

Iskusoo duuboo weeraradan xaga Saxaafada ah ayaan ilaa hada sababin wax dhimasho iyo dhaawaca iyada oo weeraradan lafilayo inay furaan albabada wada hadalada Dawlada iyo Al-shabaab.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com