shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Galaha wasiirada Soomaaliya oo kalfidhigoodii maanta ku mija xaabiyay Mucaarad diineedka Soomaaliya.

(Muqdisho.  March 10,  2009 Ceegaag Online)

Kalfdhigii 2aad ee golaha wasiirada ayaa si aqalabiyad ah laysugu raacay in dalka Soomaaliya lagu dhaqo Shareecada diinta Islaamka. Wasiirada ayaa go'aankan gaadhay iyaga oo qirtay inaa na*-/y wax aqoon ah u lahayn diinta balse ay yihiin dad Islaam ah.

 

Wasiirka warfaafinta dowlada kmg Soomaaliya Faraxaan Cali Max’uud ayaa saxaafada u sheegay in ay kulankooda ka soo saareen qodobo muhiim ah oo ay ka mid tahay in la sameeyo gudi isku dhaf ah oo ka koobah hay’ada culimada Soomaaliya iyo xildhibaano Jaartaarka ka bixiya waxyaabaha diinta ka soo hor jeeda.

 

“Waxaa maanta la isku raacay in Wasaaradda cadaalada iyo garsoorka loo madax baneeyo ku dhaqida Sharciga islaamka ee dalka iyadoo la kaashaneeysa culumaa’udiin iyo dad aqoon durugsan u leh diinta Islaamka” ayuu yiri Wasiirka warfaafinta dowladda kmg Soomaaliya Faraxaan Cali Max’uud.

 

Talaabdan ayaa meesha ka saartay dhamaan wixii marmarsiiyo ahaa ee lagu diidilahaa dawladan haatan u hano qaadi rabta reer Soomaaliya.

 

 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com