shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Siminaarka Biyaha Aduunka oo ka dhacaya Istanbuul

(Istanbuul.Turkiga.   March 13,  2009 Ceegaag Online) 

Simanaarka Biyaha Aduunka ayaa lagaga hadlayaa sidii xaaladaha kala duwan ee Biyaha aduunka looga dhigilahaa dhibaatooyinka horyaala wadamada horumaray si wax looga qabto.

Siminaarkan oo ay soo agaasimaan hadba wadanka lagu qabanayo iyo Gudiga Biyaha Aduunka ayaa lagaga hadlayaa sidii wax looga qaban lahaa Biyo yarida ka taagan aduunka dacaladiisa iyada oo Bini-aadamku ku soo badanayo dunida guudkeeda.

Siminaarkan ayaa lagu qaban doonaa magaalada Istanbuul ee wadanka Turkida iyada oo la filayo in sanadkan lagaga hadli doono biyo la'aanta ka jirta qaarada Africa oo ay Soomaaliya ku jirto.

Bangiyada Afrika iyo kuwa Aduunka ayaa iska kaashanaya in wax laga qabto saxada Biyaha ay Cabaan reer Afrika. sidaasoo kale  siminaarkan ayaana ilaa hada aysan cadayn cida uga qayb gali doonta Soomaaliya iyada oo la filayo faaiidada shirkan inay waxuun uga soo tiixaan Soomaaliya.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com