shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saraakiil ka Kala socota IGAD,AU,UN oo Shir ku aadan Somalia ku Yeeshay Nairobi.

(Nayroobi.   May 28,  2009 Ceegaag Online)

Shir ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ee dalka Kenya wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmadu Walad Cabdalla, Saraakiil ka kala socotay Midowga Afrika iyo IGAD ayay waxay uga hadleen arrimaha Soomaaliya, iyagoo dood dheer kadib soo saaray warsaxaafadeed ku aadan arrinta Soomaaliya.

Saraakiishaasi ka kala socotay Qaramada Midoobe, IGAD iyo Midowga Afrika ayaa waxay ansixiyeen oo ayideen Go’aankii ka soo baxay 20-ka Bishaan Magaalada Adis Ababa ee Dalka Itoobiya, waxeyna si wadajir ah u soo dhaweeyeen Go’aankii ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika ku yeesheen 22-kii bishaan.

Go’aankaasi oo nuxurkiisu ahaa in xayiraad la saaro Garoomada iyo dekadaha ay gacanta ku hayaan xoogaga ka soo horjeeda Dowladda KMG ah, waxayna sheegeen Saraakiishaasi inay taasi Talaabo wax ka taraysa in la dhimo ama la wiiqo awooda kooxaha Mucaaradka ah.

Dhinaca kale saraakiishaasi waxay baaq u direen Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay tixgelin siiyaan codsiga iyo dalabka uga yimid Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ee ah in la meel mariyo xayiraadahaasi la saaray Dekadaha iyo Garoomada Diyaaradaha ay ku yaaliin deegaanada ay gacanta ku hayaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ah.

 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com