shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hambalyo: Sheekh Muuse M. Xaaji Cali (Muuse Ashcari) iyo Hooda Khaliif Canshuur oo meherkoodu iyo Arooskoodu ka dhacay Magaalada Nayroobi ee dalka Keenya

(Nayroobi.  May 11,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa maanta oo bishu tahay  Jamaadul Awal 16 keeda 1430 ee taariikhda Hijriyada kuna beegan May 11, 2009 tariikhda Milaadiga ka dhacay Meher iyo Arooska Sheekh ka mida Mashaa'ikhda magaalada Boston ee carigan mareekanka waa Sheekh Muuse M. Xaaji Cali (Muuse Ashcari) iyo Marwadiisa  Hooda Kaliif Canshuur  .

Xaflada meherka oo dhacday Saacado ka hor ayna hada socoto  xafladii Arooska ee caawa ayaa shabakada Ceegaag hawada u marinasaa qoyskeenaa cusub ducadii Rasuulka SCW. ee ahayd BAARAKALAAHU  LAKA WABAARAKA CALAYKA WAJAMACA BAYNAKUMAA FILKHAYR.

Sheekh Muuse Ashcari oo ah Sheekha shabakada Ceegaag u qaabilsan arimaha diinta ayaa waxaa u Halbayaynaya dhamaan  Hawlwadeenada shabakada Ceegaag waxaanuna leenay Wiil iyo Caano Gabadh iyo Caano waxaana ilaahay uga baryanaa inuu barakeeyo qoyskaa.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com