shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Pro: Maxamed Cumar Dalxa "Baarlamaanku Xasilooni Daro ayaa u la Kulmi waayay Dhiiga Daadanaya ha la Joojiyo"

(Muqdisho,  May 18,  2009 Ceegaag Online)


Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Somalia Pro:Maxamed Cumar Dalxa oo Maanta Warfidiye-enadda kula hadlayay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda ee Somalia aya ka hadlay Hakad galay Kalfadhiga Baarlamaanka Somalia isago oo Tibaaxay in Meel aanay Nabadi jirin Kalfadhi ka Qabsoomi karin isla markaana Magaalaadda Muqdisho ay Tahay Furni Dagaal taaso aan Saamaxayn Kalfadhi ay Yeeshaan Baarlamaanka 500-Kor u dhaafay.
 
Maxamed Cumar Dalxa waxaa uu ku Nuuxnuuxsaday in Dalka Somalia ay ka soo Ifbaxayso Khatar Halis ah oo ku aadan Dagaaladda Lixaadsaday ee Muqdisho aafeeyay isaga oo Tibaxay in Dagalaadada la joojiyo isla markaan dadka Hurinaya Dagaaladda Muqdisho ay Yihin kuwa dalka soo galinaya Cadaw u Hanqal taagaya soo galitaanka Beriga Somalia.
 
Pro:Dalxa ayaa walaac ka muujiyay dagaallada iyo is ballaarinta ay wadaan xoogagga ka soo horjeeda dawladda Federalka, isagoona sheegay in taasi ay keeneyso in dhibaato iyo maxmiyad dalka la geliyo.
 
Pro:Dalxa ayaa sheega"Soomaaliya badeeda waxaa u tashay gaashaanburta Nato, Maraykan, Carab iyo kuwo kale oo ku marmarsiyoonaya inay badda kala kulmaan dhibaato ay wadaan burcad badeed, taladeeda inaga nooma taallo, berriga sidaasi iyo si ka daran baa imaanayso, dagaalladan socda waxay keenayaan in dalka ay marti u noqdaan dad kale oo ay ka taliyaan" ayuu yiri Prof. Dhalxa oo intaasi ku daray in Soomalaiya ay u qeybsan yihiin labo qeyb oo kala ah: qeyb qaxooti ku ah dalalka caalamka iyo kuwo kale oo is dagaalaya, taasina ay tahay nasiib darro dalka u soo hoyatay.
 
 
Isku soo wadda duuboo Hadalkan ka soo yeeray Madaxa Baarlamanka ayaa ku soo aadaya xili ay Magaaladda Muqdisho Indhawayd ka dhicin wax kulan ah oo ay Yeesheen Mudanayasha Baarlamanka ee aadka u tiradda badan isla markaana ay Magaaladda ka holcayaan Dagaallo Dhaliyay Khasaare isugu jira Dhimasho,dhaawac iyo Barakac Balaaran oo ka socda Magaaladda Dagaaaladdu aafeeyen ee Muqdisho.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com