shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dalia Grybauskaite oo loo doortay Hogaamiyaha Wadanka Lithuania.

(Muqdisho,  May 18,  2009 Ceegaag Online)

Ka dib Doorashooyin Democracy ah oo ka dhacay wadanka Lithuania oo ku Yaala Europe kana Mida wadamadda loo Yaqaan Sattelite oo ka Go'ay Dalka Russia ayaa waxaa Doorashaadaasi 69.5% oo ah Codadka ay Heshay Miss:Dalia Grybauskaite Tiradda Codbixiyayaasha Wadankaasi.
 
Doorashadda ayaa waxaa ka Qaybqatay 2.7 Million oo ah Muwaadiniinta Wadanka Lithuania kuwaasi oo isugu soo baxay Goobaha Codbixinta ee Wadankaasi waxaana ay Gabadhani Bedelaysaa Ninka lagu Magacaabo Valdas adamkus oo isagu ka Arriminayay Wadankaasi mudada Gaaraysa 10-sano.
 
Haweenaydan loo Doortay inay Noqoto Hogaamiyaha Cusub ee Wadanka Lithuania ayaa horay waxay Masuuliyad uga soo Qabatay Ururka Midawga Yurub Iyad oo soo Noqotay Madaxa la socodka Dhaqaalaha Ururka Midawga Yurub.
 www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com