shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Q.M. oo sheegtay in Afduubka Burcad badeednimo hoos u dhacay Halka Madaxweyne Qadaafi Sheegay in Burcad badeedu Xaq ku Taaganyihiin.

(New York.   May 30 ,  2009 Ceegaag Online)

Madaxweynaha dalka Libiya Mucamar Al-qadaafi oo ka qeybgalaayay shir ay lahaayeen madaxda dalalka ku bahoobay Saaxil iyo saxaraha ayaa si buuxda u difaacay kooxaha Burcad badeeda Soomalida ah, wuxuuna sheegay inay yihii rag u dagaalamaya inay difaacaan Kheyraadkooda.

Qadaafi oo hadal dheer ka jeediyay shirkaasi oo ka dhacay Dalka Libya ee magaalada Sirta, ayaa si weyn uu difaacay falalka ay afduubayaasha maraakiibta Soomaaliya ay ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin kooxo sharci ah.

Mucamar Al-qadaafi ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha Soomaalida ee afduubka ka gaysanaya xeebaha Soomaaliya ay yihiin dad baahan oo difaacanaya xuquuqdooda dhinaca khayradka badda, wuxuuna u muujiyay inuu yahay ruux taageersan falkaasi ay wadaan.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com