shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Faahfaahin ka soo baxaysa Qarax Qorshaysan oo lala beegtay Ciidamadda Dawladda Soomaaliya.

(Muqdisho.   May 24,  2009 Ceegaag Online)

Qarax si wayn u gilgilay Gudaha Magaaladda Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu weeraray Xero ciidan oo ku taala Degmadda Xamar jajab gaar ahaan Iskool Boolisiya iyadoo Xeradan lagu Magacaabo "Haama Dhawr" waxaana Qaraxu ahaa Fal isqarxin ah oo loo adeegsaday Gaari noocisu ahaa Roneyd kasi oo laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa.

 

Qof goob jooga ah ayaa Warfidiyeenadda u sheegay in Gaariga Qaraxa fuliyay ee laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu saaka Dhawr jeer soo maray Goobta.

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dawladda ayaa sheegay in"Gaariga uu si xawli ah ku soo maray Wadada waxaana uu sii jiiray Laba askari oo ka tirsan xeradda kuwaasi oo aan wadan wax qoryo ah balse askari kale oo ka tirsan ciidamadda ayaa isna amar ku siiyay Gaariga inuu Istaago kaasi o qori watay balse gaarigi Socdaalkii aya uu sii watay Aakhirutaankiina waxaa uu gudaha u galay Xeradda Ciidanka halkaasi oo ku qarxay iyadoo sidoo kaleto wararkale oo soo baxaya ay tibaaxayaan in sarakiil kale oo ka tirsan dawladda somalia shegayaan in Gaarigu so dhaafay saddex bar-Control(Check Point).

 

Warar iskhilaafsan oo ka so baxaya Qaraxaasi ismiidaaminta ah ayaa sheegaya in 9-Qof ku dhinteen qaraxa halka 5-ka mida dadkaasi geeriyooday ay Yihin askar ka tirsan Dawladda somalia balse saraakil ka tirsan dawladda ayaa warfidiyeenadda u sheegay inay dhinteen 7-qof oo hal askari ku jiro.

 

Saxafiyiin reer Muqdisho ah oo booqday xarunta ayaa tibaaxay inXubno ka haray ninka Qaraxa fuliyay in uu ahaa Nin Madow oo Saalaxyo leh oo jir xoogan leh Baabuurku ku qarxay Bartamaha Xeradda gaar ahaan Meel 20 Miter u jirta Xafiiska Taliyaha Ciidamada Xeradaasi ku xaraysan.

 

Isku so wadda duubo qaraxyadan beryihii ugu dambeeyay ka dhacayay magaaladda Muqdisho ayaa noqonaya kuwo ku qotoma falal argagixiso iyadoo dhawr qarax ooh ore oo ka dhacay koonfurta Soomaaliya ahaayen dad naftood hurayaal ah oo isa soo biimeyay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com