shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay’adda SCERDO oo soo gabagabaysay dood cilmiyeed ku saabsan  dhibaatada shaqo’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed eek u nool magaalada Edmonton ee Canada.(Sawiro)

(Edmonton.  May 12,  2009 Ceegaag Online)

Dood cilmiyeed ay soo qabanqaabisay hay’adda SCERDO oo  ku saabasan shaqao l’aanta haysata dhallinyarada ku nool magaalada Edmonton ayaa lagu qabtay hoolka shiararka ee Beacon Community League eek u yaal magaalada Edmonton.

Doodcilmiyeedkaas oo ay ka soo qaybgaleen waalidiinta , dhallinyarda iyo  khubaro loo xulay in ay ka soo baaraandegaan dhibaatadaas haysata dhallinyarada kuna xeel dheer cilmiga shaqo qorista ayaa waxaa ugu horrayntii shirkaasi furay guddoomiyaha guddiga fulinta ee hay’adda SCERDO Bashir Haji Ali (Jamaal) isagoo u mahadceliayay khubaradii iyo dadwaynihii ka soo qaybgashay doodddan kuna boorriyay in ay joogteeyaan kulamada iyo doodcilmiyeedyada noocan oo kale ah si buu yidhi looga baxo caqabadaha ka haysta dhallinyarada xagga shaqo qorista .

Khaalid Saalax Maxamed Lacle oo ah khabiir ku xeeldheer arrimaha dhaqaalaha iyo maamulka isla markaana hay’adda SCERDO u xilsaartay fulinta mashruucan ayaa ku soo bandhigay goobtii siminarka lagu qabtay daraasad ku saabsan qaabka loo xulo shaqo qorista dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha gaar ahaan Canada. Khaalid ayaa ku soo bandhigay siminarkaas aqooniswaydaariska sida hay’adaha shaqaqoristu ula dhaqmaan dadka qaxootiga ah eek u nool Canada iyagoo qofka ku shaqaalaysiiya midabkiisa iyo magiciisa balse aan ku shaqaalaysiin aqoontiisa iyo waayaaragnimadiisa.

Dooddaas oo ahayd mid xiiso badan laguna soo bandhigay xeeladaha lagaga gudbikaro caddaalad darada lagu sameeyo dhallinyarada qaxootiga ah gaar ahaan dhallinta leh suuradda dadka madow ayaa ku soo gabagabowday jawi aad u sarreeye dadkii ka soo qaybgalayna galisay yididiilo horleh. Waxaa ugu danbayntii mahadnaq u soo jeediyay dadkii ka soo qaybgalay siminaarka haweenay ka socotay wasaradda shaqada ee dawladda Federaalka Canada oo lagu magacaabo Clara Colella iyadoo ballanqaadday in ay u gudbindoonto waxyaabihii lagu lafaguray dooddan wasaaraddeeda si deg deg ahna wax looga qaban doono dhibaatada dhallinyarad Soomaaliyeed ka haysata xagga shaqo qorista.

Daawo Sawirada

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com