shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ardayda Dugsiga Hoose dhexe ee Shiikh bashiir Oo Mudaharaad ka Dhigay Magaaladda Hargaysa

(Hargaysa.  May 06,  2009 Ceegaag Online)

Banaanbax lagaga soo horjeedo iibsashada dhulka ee dugsiga Sheekhba Shiir oo ka dhacay Hargaysa

Mudaharaad balaara ayaa Ardayda Dugsiga Hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir oo ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa ayaa gadood ka sameeyey markii ay maqleen in dugsigooda ay dawladu ka iibinayso niman ganacsato ah, isla markaana waxay cadhadaa ku muujiyeen banaan bax socod ah oo ay ku mareen wadada halbawlaha ah ee magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.
 
Mudaharaadkan ay Dhigayeen Ardayda Dugsiga Hoose dhexe ee Sheekh bashiir ayay ku hadaqayeen"Dooni mayno in la iibiyo Dugsigayaga, dooni Mayno in la dhammeeyo oo la iibiyo goobaha danta guud" iyo hal-ku dhigyo kale oo nuxurkoodu sidaa la macno ahaa oo ay dareenkooda ku muujinayeen.

Ardayda ayaa sheegay in Hawlaha ay ka cabanayaan ay gaarsiinayaan Wasaaradii Tacliinta ayaa laga soo celiyay jidka hor mara Madaxtooyada Somaliland, ka dib markii ciidanka Bilayku ay rasaas ku rideen Ardaydaasi. Waxaana qadar saacad ku dhow xidhnaa wadada hormarta madaxtooyada oo labada dhinac ee Bariga iyo galbeedkaba laga xidhay, loona diiday inay gaadiidku maraan.

Maamulaha Dugsiga Sheekh Bashiir Marwo Khadra Aadan Jaamac, oo iyadu ka hadashay in la iibsaday Dugsiga ayaa tiri "annagu wax aanu ka og nahay iibka dugsigaasi ee aad I weydiinaysaan ma jirto, iskuul la iibinayana nalooma sheegin waxaanan u aragnaa warkaasi mid waxba kama jiraan ah." Waxaanay intaas ku dartay "Waxa maanta( Shalay ) sidii awalba dhici jirtey marka uu iskuulku dayactir u baahdo in waalidka la weydiiyo kaalinta kaga aaddan dayactirka Dugsiga ee ay awoodi karaan ay ka qeyb qaataan Waalidiintu.
 

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Maamulka dugsiga iyo waalidiinta ayaa u balansan in ay maalinta Khamiista ee soo socota ay ka shiraan sidii dayac-tir loogu samayn lahaa daaqadaha fasalada dugsiga oo jajaban si waalidku uga qeyb qaato kharashka lagu dayactirayo, halka inta kalena ay bixinayso sida la sheegay hay’adda CARE International.

Dhinaca kale, Agaasimaha Wasaarada Waxbarashada Cali Cabdi Odowaa ayaa warbaahinta u sheegay inaanay waxba ka jirin warka sheegaya in la iibiyey dugsiga sheikh Bashiir, gadoodkan ardayduna waxa uu ku yimid warar been ah oo loo sheegay ardayda.
 
Iku soo wadda duubo marka la eego xaaladda cirka isku shareertay ee ka dhacday Magaaladda Hargays aaya hadda u muuqata mid qabowday oo la xalinayo waana markii ugu horaysay oo Mudaharaadkan oo kaleto ay dhigaan Arday ka cabanaysa in Guryo iskoolku lahaa la gatay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com