shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xasan Daahir Aways"Dagaalka Waa In la Wadaa anagu waxaan Haysaana Siyaasad Hore".

(Muqdisho.  May 04,  2009 Ceegaag Online)

Hogaamiyaha Mucaaradka Somalia ee Garabka Asmara Sheikh Xasan Daahir aways oo Indhawayd Siyaasadda Dibad joog ka ahaa ayaa Maanta ka Hadlay arrimo farabadan oo ku saabsan Siyaasadda Garabkiisa Xisbul Islaam iyo Garabka Asmara.
 
Aways ayaa sheegay inaanay diyaar u ahayn in ay wada hadal la galaan Madaxweynaha dawladda dhawaan Somalia loogu soo dhisay Djibouti Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo taas sabab uga dhigay inaanay isku siyaasad labada dhinac ahayn.

Xasan Daahir Aweys waxa uu sidan ka sheegay Warbixino uu siiyay Saxaafadda , waxaanu sheegay in aanay jirin wax gooni ah oo u dhaxeeya isaga iyo Sheekh Shariif balse ay keliya kala haystaan laba siyaasadood oo iska soo horjeeda.

"Annagu waxaanu haysannaa Siyaasaddeenii hore, Shariifkuna wuxuu galay Siyaasad cusub, sidaas darteed diyaar uma nihin in aanu la kulanno" ayuu yidhi Xasan Daahir Aweys.

Mr. Aweys waxa uu Shariifka ku tilmaamay mid raacay Siyaasadda Beesha Caalamka, halka iyaguna ay ka soo horjeedaan siyaasadda ay Beesha Caalamku wadato, taas oo uu ku sifeeyay in ay tahay mid aan waddo wanaagsan ku hoggaaminaynin Soomaaliya.

Hadalka ka soo baxay Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmay maalin kadib markii uu Sheekh Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay dorraad magaalada Muqdisho uu ku sheegay in ay dawladdiisa diyaar u tahay inay la hadasho cid kasta oo ka soo horjeeda, isagoo dhinac kalena Sheekh Shariif ugu baaqay cidda aan rabin inay wada-hadal la gasho dawladihiisa ay la gudboon tahay inay doorasho isu diyaariso, nasiibkeedana tijaabiso laba sannadood kadib.

"Dadka naga soo horjeeda haddii aanay wada hadal dooneyn, ha sugaan laba sannadood, kadibna doorasho ha u diyaargaroobaan, nasiibkoodana ha tijaabiyaan" ayuu yidhi Sheekh Shariif.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa tan iyo markii uu Muqdisho tegay waxa uu waday kulamo uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir ee dalka Somalia, isagoo labadii maalmood ee u dambeeyayna waday dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed, waxaanu shalay oo ugu dambeysay kulan la yeeshay odayaal ka socday Beesha Mudullood.
 
Sheikh Xasan Daahir aways ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday inuu doonayo in lala Dagaalamo Sheikh Shariif oo la sii waddo Dagaaladda Muqdisho.
Hase yeeshee sheekh Aweys oo markii horeba ka biyo diidanaa wadahadalaasi ayaa misna ku gacanseyray inuu soo dhoweeyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay sheekh Shariif Sheekh Axmed.
 
Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madaxweyne Shariif waxay mar si wadajir ah u dhiseen maxkamadihii Islaamiga ee ka adkaaday hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho.
 
Lix bilood oo ay Muqdisho ku soo celiyeen amni iyo kala dambeyn, ka dib waxaa awoodoodii wiiqay ciidamo Itoobiyaan ah oo garabsiinayay ciidamada dowladda kmg ah.
Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu ku jiraa liiska Maraykanka ee shakhsiyaadka looga shakisan yahay inay yihiin argagixisadda xiriirna la leh shakabada al-Qaacida.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com