shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xarakadda Al_Shabaab oo Baaq iyo Canbaarayn u Diray Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay

(Muqdisho.   May 28,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa Maanta shir jaraa'id ku Qabtay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia Afhayeenka Ururka Al_SHabaab sheikh Cali Dheere waxaana uu Afhayeenka Ururka Xagjira ee Al_shabaab sheegay in Go,aan dhawaantan ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobay ee ku aadanaa in Muddo kordhin loo sameeyo Ciidamadda AMISON ee jooga Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.
 
Waxana uu Yiri"Qaraarka ka soo baxay Qolooyinkan Gaalada ah ee isku Magacaabay Golaha Amaanka lakiin runtii ah Golaha Amni Darrada, Qaraarkii ay soo saareen ee ay ugu kordhiyeen muddada nimankan Gaalada ah ee cumaasha ah ee Isku magacaabay AMISOM, aragtideena waxaan leenahay taasi waa kordhin la sii kordhinaayo cadaawadda ay u qabaan dadka muslimiinta ah iyo nabadda ka jirta dalka muslimka ah ee Soomaaliyeed".


Shirkani Jaraa'id ee Ururka Al_shabaab ayaa sidoo kale waxaa sheikh cali dheere la hadlay Dawladda uu Majaraha u hayo Sheikh sharif waxaana uu yiri"waxaan leeyahay cidda aad u qayshanaysaann ama ballanqaadka beenta ah idiin samaynaysa waa Shaydaan iyo cawaantiisa ilaahayna waa noo tilmaamay Shaydaan sida uu dadka u duufiyo, dariiqii ayaadna maanta ku joogtaan. Waxaan leenahay gaalo iyo Shaydaan wax idiin tari maayaane Inta ay goori goor tahay in aad muslinimadiinii ku soo laabataan oo diintiinii u soo laabataan oo gacmaha Mujaahidiinta isu soo dhiibtaan ilaahayna aad u toobad keentaan taas ayaa runtii maslaxadiinu ay ku jirtaa".
 
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com