shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maamulka Al_Shabaab oo Ka Hadlay Dagaaladdi Magaaladda Muqdisho.
 

(Muqdisho.  May 13,  2009 Ceegaag Online)

Masuulka ugu sareeya xarakada al-shabaab sheekh muqtaar c/raxmaan (abuu subeyr) oo cod fariin ah soo gaarsiiyay warbaahinta ayaa waxaa uu kaga hadlay arimo fara badan oo quseeya xaaladaha dalka iyo dagaaladii ugu danbeeyay.
 
sheekh muqtaar c/raxmaan (abuu subeyr) ayaa waxaa uu sheegay in dowlada hada jirta ee Kmg aan lagu tilmaami Karin in ay tahay islaam isla markaana aysan xitaa u qalmin in lagu tilmaamo mid wadani ah.
 
Ka gadaal markii uu fariin cod ah oo ay warbaahinta soo gaarsiiyeen ururka Al shabaab ayaa sheekhu ku sheegay Sidoo kale mar uu ka hadlayay xaalada magaalada Muqdisho iyo dagaalada ka socda ayuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan waxa uu ugu yeeray xaqa,waxaana uu sheegay in dagaalka socda uu yahay mid u dhexeeya xaqa iyo baadilka.
 
"Dagaalka waxaa uu yahay mid xaqa iyo Baadilka ka dhexeeya dadkana waa in ay garabka siiyaan xaqa,waxaana umadda la gudboon in ay u adkaysato dhameystirka dowlada islaami ah oo sax ah,maanta waxaa haray wax yar ee aan isku kaashano saarida ciidamada shisheeye iyo oo gida Sharciga Alle ." Ayuu yir amiirka al shabaab abuu Subeyr.
 
Sidoo kale Mar uu ka hadlayay Doorka Saxaafada iyo xaalada dalka ayuu kula dardaarmay in ay xaqa ku hadlaan oo ay ilaaliyaan masuuliyada ka saaran umadda isla markaana ay ka qeyb qaataan Jihaadka socda oo ay iska ilaaliyaan in umadda la marin habaabiyo sida uu hadalka u dhigay.
 
"Qofka saxafiga waa in uu dhowraa hufnaanta iyo cadaalada shaqadiisa,waana in aad ka qeyb qaadataan Jihaadka socda,hadii aadan xaqiiqada sheegi karinana ka joogsada in aad xaqiiqada doorisaan oo aad umadda marin habaabisaan. ayuu intaasi raciyay shiikh muqtaar c/raxmaan (abuu subeyr) oo ah amiirka ururka al shabaab.
 
Fariinta codka ah ee maanta ay ururka al shabaab u qeybiyeen saxaafadda ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili xaaladda magaalada Muqdisho ay tahay mid marti u noqotay dagaalo wajiyo badan leh, waana fariintii ugu horeeyay ee uu soo saaro amiirka al shabaab tan iyo markii ururkaasi uu dagaalada xoogan la galay dowlada kmg Soomaaliya.
www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com