shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hogaamiye Islaami ah oo Lagu dilay Koonfurta Russia.
 

(K. Raashiya.   May 26,  2009 Ceegaag Online)


Hogaamiyahan islaamiga ah ayaa ahaa Hogaamiye aad xiriir dhaw ula lahaa Russia waxaana ay geeridiisu Timi ka dib Markii Rasaas lagu furay Shalay galinkii Dambe Gudaha Gobolka Koonfurta Russia gaar ahaan Gobolka Caasimada ah ee Degestan, waxaana uu yimi ka gadaal markii 4 kamid ah Booliska lagu dilay Chechnya kuwas oo howlgal gaar ah ka waday Jamhuuriyada Ingushetia ee Dariska la ah.
 
Wakaalada Wararka ee Interfax ayaa Sheegatay in Ninka ladilay oo lagu Magacaabo Axmed Tajiif uu hayey Xilka ku Xigeynka Muftiga Idaarada Diinta ee Muslimiinat Dagestan.


Wakaalada ayaa ka soo xigatay Nin u hadalay Wasaarada Arimaha Gudaha ee maxaliga ah in uu yiri: "Nin Hubeysan ayaa Rasaas kaga furay Madaxa Waxa uuna ku hubeysnaa Bastoolada Waqti dambe oo Shalay ah, waxaana laga yaabaa in uu Baabuur ku baxsaday , ku xigeynka Muftiguna isla goobta ayuu Rasaatii Madaxa kaga Dhacday ugu geeriyooday".
 
Jamhuuriyada Dagestan ayaa Daris la ah Jamhuuriyada Chechnya, halkaa oo uu Ruushku ku qaaday laba Dagaal laga soo bilaabo Sagaashameeyadii si uu Muslimiinta halkaa ku nool u baa'biyen.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com