shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Axmed Ould Abdala"Qaramadda Midoobay Fursad ayay siinaysaa Hogaamiyayaasha Islaamiyiinta,Xasan Daahirna Jaanis kale ayaa uu Helayaa".

(Nayroobi,   May 16,  2009 Ceegaag Online)

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay Arrimaha Somalia Axmed Ould Abdala oo Shir ku Qabanayay Magaaladda Nairobi ayaa Tibaaxay in Wajiyo Badan uu leeyahay Dagaalka ka socda Magaaladda Muqdisho isla Markaana ay Fursad Siinayaan Xasan Daahir Aways,Abuu Mansuur iyo Xasan Turki isagoo Carabaabay in uu Codsi u diray Dawladda Maraykanka ku Aadan sidii Liiska Argagixisadda Looga Saari lahaa Sheikh Xasan Daahir Aways.
 
Axmed Walad Cabdale ayaa sheegay inay Fursad Sinayaa Islaamiyiinta Somalia Sidaa Darraadeedna waxa uu tilmaamay in Q/Midoobay ay fursad siineyso hoggaamiyayaasha mucaaradka ee dagaalada ka wada magaalada Muqdisho.
 
 
"Aniga ayaa balanqaadaya inaan u howlgalo sidii Liiska argagaxisada looga saari lahaa hogaamiye kasta oo Soomaaliyeed ee iminka ku jira liiskaasi haddii uu dhanka nabada u soo jeesto oo la heshiiyo Dowlada" ayuu yiri Ahmedou Walad Abdallah.


Mr.Walad Abalaad oo shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Nayroobi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuusan Madaxweyne Soomaliyeed noqon karin shaqsi ku jira liiska argagaxisada.


"Inuu Madaxweyne noqde iska daaye xitaa hogaamiyaha ku jira liiskaasi siduu dalalka Dibada ugu socdaali lahaa ayaa shaki ku jirta" ayuu yiri Walaad Abdalla isagoo Tibaaxay in Ninka ku jira Liiska Argagaxisadda ay Dhibaato ku Tahay sidii uu ku sii ahaan lahaa Masuul Shacbiyadeed Lana Qabanayo hadii uu Socdaal u galo Dalal Shisheeye.
 
Waa markii ugu horeysay oo Qaramada Midoobey ay sheegto inay liiska argagixisada ka saareyso hoggaamiyayaasha u soo jeesta dhinaca nabadda, wuxuuna wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya shuruud uga dhigay in hoggaamiyihii doonaya arrimahaasi uu joojiyo dagaalka.
 
 
Isku soo wada duubo Dagaaladda ka socda Magaaladda Muqdisho aya Wajiyo Badan Yeeshay iyadoo Hogaamiyayashan Islaamiyiinta ah ay Qayb ka yihiin Dagaaaladda Magaalaadda Muqdisho.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com