shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Indha-Indhayntii Axmedu walad Abdala ee Muqdisho.

(Muqdisho.   May 31 ,  2009 Ceegaag Online)

Dhawaantan ayay Ahayd markii safar lama filaan ah uu Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somalia ku yimi Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramadda midoobay Somalia Axmedu walad Abdala Saadal kala duwan ayaa laga bixiyay safarkiisa marka hore axmed walad cabdala ayaa kula kulmay Magaaladda Muqdisho Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha qaarka mida Golaha Xukumadda Dawladda kumeel gaarka ah.

 

Taarikh ahan waxaa Axmedu walad abdala wakiilka qaramadda Midoobay ee somalia ka soo degay Magaaladda Muqdisho 25/5/2009 xiligasi oo ahayd markii Magaaladda muqdisho ay ka socotay Duqaytii cuslayd ee u dhaxaysay Dawladda iyo Xoogaga Mucaaradka ee ka taliya inta badan Magaaladda Muqdisho isaga oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Adan cade International Airoport Magaaladd Muqdisho halkaasi oo Amnigeda si wayn loo sugayay.

 

 

Safarka waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan hayadaha Caalamiga ah gaara ahaan Masuulka UNDP somalia Wakiilka xoghayaha guud oo ay safarkiisa ku wehliyeen xubno sar sare oo ka socday hay’adda UNDP-da ayaa iyagu shirar gooni ah la qaatay madaxda dalka, iyagoo ka wada hadlay sidii ay UNDP-du ugu fidin laheyd taageero dhinacyo badan dowladda KMG.

 

Ugu dambeyntiina, wakiilka xoghayaha guud ee Q/midoobay ayaa waxaa sii sagootiyay madaxda ugu sareysa dowladda, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, isagoo si nabad ahna uga dhoofay garoonka Aadan-cadde, halkaasoo ay dib ugu celisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu ku leeyahay Xafiiskiisa siyaasada.

Axmedu Walad Cabdala ayaa ka hadlay Safarkiisa:-

 

Ka dib Tegitaankiisi Muqdisho axmed Walad cabdala ayaa waxaa uu ka hadlay safarkiisa Magaaladda Muqdisho uu ku tagay Magaaladda Muqdisho waxaa walad cabdala u waramay Jaraa'idka Al-Sharqal Awsat maanta waxaana uu sheegay in Magaaladda Muqdisho uu ku tagay Nabad balse uu arkay Dad Tabaalaysan oo dhibaato la daristay waxaa uu sheegay in waxa ka dhacay somalia uu ku eedaynayo Siyaasiinta isagoo aan kala soocin.

 

Muqdisho waxaan ku arkay Nolol Argagax leh iyadoo ay baa be'en buu yiri Adeegyadi asaasiga ah ee Nolosaha dadka Somalida ah.

indho indheynta xaalada guud ee ka jirta gaar ahaan mid uu ugu kuur gelayay midda Barakacayaasha, Sidoo kale Warbixin ku aadan Xalinta Mushkilada oo Madaxda DKMG uu sheegay inuu ka dhageystay.

Sh Shariif wixii uu kala hadley mar wax laga weydiiyay ayuu sheegay inuu u sheegay Xoogaga ka soo horjeeda ay doorbiydayaal dagaal, sida uu hadalka u dhigey.

 

Axmedu Walda C/lle waxa uu dhanka kale sheegay dadka Soomaaliyeed inay arintooda ku kala aragti duwan yihiin waxa uuna tusaale u soo qaatay 340 Shabakad oo Bar Enternet ku leeyihiin Dadka Soomaaliyeed oo qolo walba aragtideeda gaarka ah ku baahiso.

DKMG ahi ayuu sheegay Q.M, IGAD, Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Ururka Islaamka dhamaan ay taageeri xoogan u hayaan sidoo kale jiritaankeeda ay aqoonsan yihiin.

 

Dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacey Magaalada Muqdisho ayuu sheegay Xaalada DKMG ahi markii hore ku sugneyd wax ka badeshay, gaar ahaan xaga dibu isu abaabulka iyo nidaamka.

Joogitaanka Alqacida ee ku sheego Soomaaliya mar sidoo kale wax laga weydiiyay ayuu arintaa dafiray wuxuuna sheegay inuu ka hadlayo shisheeye balse aanu a hadlin Alqacida Soomaaliya joogta, sida uu hadalka u dhigay.

 

Isku soo wada duubo cinwaanka aan u sameynay Warbixinta ayaa ah mid aan kaga faalanonaynay Safarkiisa Muqdisho iyo Warbixinta uu ka bixiyay Tegitaankisa Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho oo ah hadal haynta dadka somalida kaasi oo uu sacado kooban ku joogay Muqdisho.


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com