shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Baarlamaanka Puntland oo Maanta la soo Hor dhigay Dastuurka Cusub.

(Garoowe.   May 26,  2009 Ceegaag Online)

Iyadoo maalinimaddi shalay ahayd ay Golaha xukuumadda Puntland ansixiyeen Dastuurka cusub ee uu yeelanayo Puntland Iyadoo dastuurkan dufcadihisa ay akhristeen xubnaha golaha wakiilada Puntland ayaa haddana waxaa shalay ku dhawaacay Wasiiru dawlaha Democracy yadda iyo Madaxtoyadda Dr:Maxamed Xasan jimcaale in berrito loo gudbin doono golaha wakiiladda Puntland.
Maanta ayaa waxaa Xildhibaanadda Golaha wakiiladda waxaa loo qaybiyay Nuqolo iyo qoraalka dastuurka cusub ee Maamul goboleedka Puntland.
 
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ka qeybgaley kulanka maanta ah oo xildhibaanadu ay ku dhegeysteen warbixin uu madaxweynuhu ka siiyey barlamanka.
 
Qaar ka tirsan Xildhibaanadda Baarlamaanka oo maanta saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in barlamanku ay dhegeysteen warbixinta uu siiyey madaxweynaha Puntland, waxaana madaxweynuhu uu sheegay in dastuurku uu yahay midkii ay horey u dejisey xukuumadii hore ee Puntland uu Madaxda U ahaa General Cadde Muuse Xirsi laakiin xukuumadan cusub ay wax badan ku dartey.
 
Dastuurkani maanta loo qaybiyay Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland aya waxaa la filayaa inay ka munaaqashoodaan Maalinimadda Sabtida ah ee Fooda inagu soo haysa.
 
Ansixinta ka dib ayaa waxaa la filayaa in Dastuurkani cusub loo soo bandhigo shacabka reer Puntland si afti guud loo gu qaado Dastuurkani cusub.
 
Dastuurkani ayaa dood ay ka yeeshen mudanayaasha Baarlamaanka Puntland waxaa looga doodayay sida uu u waafaqayo Dastuurka Dawladda kumeel gaarka ah waxaana ay u muuqatay in Mudanayashu Qeexayeen in ay Tahay in Puntland ka qaybgasho marka la dajinayo Dastuurka Dawladda somalia.
Dastuurkan ayaa waxa uu ka kooban yahay 141 Qodob iyo weliba hal lifaaq oo loogu magacdaray Marxalada kalaguurka, waxaana ku xusan Dastuurkan DGPL ee maanta loo gudbiyay xildhibaanada Puntland, Shareecada Islaamka, Baahinta xukunka, maamul wanaaga, wadatashiga, isku dheeli tirka Awoodaha Dowlada iyo xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
 
Warsaxaafadeedkii Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ee Dimuqraadiyeynta iyo Arrimaha Federaalka
Dr:Cabdi Xasan Jimcaale

 
Hadaba waxaa warsaxafadeed soo saaray Wasiiru dawlaha Democracy iyo Arrimaha federalka Dr:Cabdi xasan jimcaale waxaana loo qaybiyay Saxaafadda waxaana uu u qornaa sidan:
Dadweynaha Gobollada Waqooyi Bari,waxa ay ku guulaysteen in ay samaystaan maamul uu u dhamaystiran yihiin qaybaha dawladda,taas oo ka dambaysay,ka dib markii waxgaradka Gobollada waqooyi-Bari ay shir weyne isugu yimaadeen Magaalada Garowe.

Bishii ogost Sannadkii 1998kii,halkaas oo loogu walqalay maamul cusub oo unug u noqonaya Dowlad Soomaaliyeed oo leh maamul baahsan kuna qotoma hannaanka dawladeed ee loo yaqaan habka Federaalka,taas oo aanu rumaysan nahay in ay tahay wadada keliya ee isu keeni karto dadka Soomaaliyeed ee dagaalladii sokeeye ku kala irdhoobay.


Dowlad goboleedkaas cusub waxa loo bixiyey" Puntland".magacaas oo cuskaan taariikh gaamurtay,macnihiisuna yahay’ ‘’Dhulkii Udugga".


Hadaba qoraalkani waa miraha dibi eegista Golaha Xukuumadda ee Dastuurka,taasi oo soo martay Marxalado kala duwan iyo tashiyo loo bandhigay dad badan oo la bidayey in ay ku soo biirin karaan fikrado wax ku ool ah oo ka tarjumaya sidii uu dastuurkani u noqon lahaa mid taabagal ah ee warcelin waafi ah bixinaya halka ay Puntland higsanayso,iyaga oo isku duuban dawlad iyo dadweyne.

Dastuurkan oo ay xukuumadda Puntland li meelmarisay ogolaanshihiisa cod mideysan(unanimous)taariikhdu markay ahayd 24kii Maajo 2009,ayaa ah nuqulka kama dambaysta ee la horgeynayo Golaha Wakiiladda,si ay iyaguna uga baaraandegaan,una ansixiyaan,dabadeedna loogu qaado afti dadweyne.
Dasturkani waxa uu noqonayaa mid si ku meel gaar ah u dhaqan gala,mar allaale iyo marka uu golaha wakiilada Puntland ansixiyo.marka laga reebo qodobada la xiriira doorashada iyo guud ahaan qodobada la falgala dhismayaasha golayaasha deegaanka iyo dhalashada Xisbiyada cusub iyo waliba guddiga Doorashada Puntland ee rasmiga noqonaya,kuwaasi oo iyaguna dhaqangalaya mar allaale iyo marka ay hawshoodu bilaabato.

Dastuurkani waxa uu ka kooban yahay141qodob iyo hal lifaaq oo loogu magacdaray "Marxaladda kala Guurka",loolana jeedo isbedelka labada guddi doorasho,wuxuuna si gaar ah kuu sabsan yahay guddiga Doorashada eek u meel gaarka ah,Dastuurkan oo ay qodobadiisu isugu xiran yihiin Mowduuc-mowduuc ayaa waxa saldhig u ah arrimaha soo socda:

1.Shareecada Islaamka
2.Baahinta Xukunka
3.Maamul wanaagga
4.habka wadaashiga
5.Isudheelitirida awoodaha Dawladda sida:
a)Golaha xeer Dejinta(Baarlamaanka).
b)Golaha Fulinta(Xukuumadda)
c)Golaha Garsoorka.
6.Habka Xisbiyada Badan
7.Lahaanshaha Gaar ahaaneed iyo suuqa xorta
8.Xuquuqa Aasaasiga ah ee Muwaadiniinta.
9.Nabadgelyada iyo Xasiloonida.

Waxaa sharaf iyo qadarin ii ah in aan halkan uga mahadceliyo dhammaan dadkii sida tooska ah iyo si dadban uga qaybqaatay.qoraalka dastuurka,sixitaankiisa,doodiisa iyo guud ahaan turxaan bixintiisa iyo wax ku soo kordhintiisa,soona gaarsiiyey halka uu manta marayo,isaga oo aan qabyo ahayn,balse dhamaystiran,waxaan si gaar ah aan halkan uga mahadcelinayaa Guddigga Dastuurka,dadweynihii ka qaybqaatay,golaha Fulinta(Xukuumadda) iyo golaha Wakiiladda(Baarlamaanka).

Waxaan mahad ballaaran halkan u marinayaa Hay’ada Interpeace,oo iyadu fududeeye ka ahayd ilaa markii la unkay Mashruucan,walina qayb muhiim ka ah socodka looga jibba keenay hawshan baaxadda weyn,taas oo dhaqaale iyo Farsamaba la garab taagan.

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com