shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bahwadaagta UPA (United Progressive Alliance) ayaa si weyn ugu Guuleystay Doorashada Dalka India.

(New Delhi, Hindiya.   May 16,  2009 Ceegaag Online)


Wararka hada naga soo gaaraya Dalka India ayaa sheegaya Bahwadaagta UPA (United Progressive Alliance) ee hormoodka ka yahay Xisbiga Indian Congress Party uu ku guuleystey badi codadkii doorashada wadankaasi intii la tiriyey, waxanaa hada muuqata in Xisbiga Congress Party uu markale soo dhisidoono Dowladda 5-ta sanno ee soo socota.


Rahul Gandhi oo ah Wiil uu dhalay Ra’iisal Wasaarihii hore ee India Rajiv Gandhi ayaa guushan door weyn ka qaatay halka Xisbiga BJP afka ciida loo daray kadib markii ay Shacabka Hindidu ka hor yimaadeen Ajandayaashooda nacaybka ku saleesan ee lagu kala qaybinayo Shacabka Reer India.
“Waan ku faraxsanahay, Guusha aan kasoo hoyney Doorashada taas oo Shacabka India ay u codeeyeen Dowlad Xasiloon oo Horumar & Barwaaqo u horseeda Dalkeena” Ayuu yiri M. Veerappa Moily ah Afhayeenka Xisbiga Congress Party.


Ra’iisal Wasaare Dr. Manmohan Singh  ayaa 2-ka bisha June ee soo socota waxaa loo dhaarin doonaa Ra’iisal Wasaaraha  dalkaasi India taasi oo ka dhigaysa in markale loo dhaariyo Jagada Ra’iisal Wasaarenimo ee Dalkaas.
Daamashaadyo ayaa ka soconaya Dhamaan Gobolada India oo dhan taas oo loogu dabaaldagayo Guusha weyn ee ay Gaareen Xisbiga Congress Party iyo Bahwadaagta UPA (United Progressive Alliance).

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com