shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barnaamijka Kororso Aqoontaada.

(Qardho.   May 25,  2009 Ceegaag Online)


 
Barnaamijka Kororso aqoontaada waa Qaybtii Koowaad.
 
Hordhac:

 

Barnaamijkan waa barnaamij Gaar u ah ceegaag.com waxaana Barnaamijkan noqon doona mid Todobaadle ah oo aad looga faaloonayo aqoonta guud ee ah aaraahda Cilmiyaysan ee uu ku dhisanyahay webka ceegaag.com bulshadana u hibeeyay Wararki ugu dambeeyay Dunida Daafeheda iyo aqoonta iyo waliba Taariikhda umadda somaliyed.
Barnaamijkan oo qoraal ahaan ay u daalacan karan akhristayaasha page ka ceegaag.com waxaa xuquuqdiisa iska leh ceegaag.com waxaana soo saare ka ah Wariyaha ceegaag Online ee Puntland cabdirashid maxamed daahir.
 
Barnaamijkan ayaa waxaa uu ka koobnaan doona saddex Qodob oo kala ah:-
1-Maxaad ka taqaan?.
2-Ma ogtahay?.
3-Murtida Barnaamijka
.
 
 
1-Maxaad ka taqaan?.(Qaybtii Koowaad)
 
Xubintan waa Taariikh taxane ah oo aan doorbidnay inaan Tixraac ka samayno Barnaamij Sooyaaleedka Taariikhda Somalia ee uu leeyahay Webka Ceegaag radio waxaana aan ku eegaynaa Bal cirifka soo galitaankii Gumaysiga ee somalia.
Halbeega cirifka Taariikheed ee somalia ayaa marka hadba gees laga eego waxaa uu noqonaya abuuritaankii Gumaysiga ee somalia iyo soo galitaankii .
 
Gumaysiga somalia waxaa la dhihi karaa waxaa uu yimi xiligii ay dunida africa ka socotay waxa lo yaqanay(Scramble of africa) Boobki afrika waxaana ay ahayd ka gadaal markii uu ka dhacay shirkii Berlin ee dhacay sanadkii 1884-1885 kaas oo ahaa (Partition of africa) qaybsiga africa waxaana isugu yimi inta badan wadama Reer yurub ee geediga ku soo ahaa africa waxaana xusid mudan in wadamaddi isugu yimi shirkaasi ay ka midahaayeen,Britain,Italy,France,Germany,Belgium,Portugal,Spanish, oo la dhihi karo waxay ahayen dawladihi ugu tunka waynaa ee ka soo qaybgalay shirkaasi loogu magac daray (Partition of africa) iyadoo sidoo kale ay Observer ka ahayd dawladda wadanka Itoobiya waxaana jogay Minelik I waxayna ahayd dawladda kaliya ee African ka ah ee doonaysay inay la qaybsato reer yurub wadamadda afrika qaybsiga ayaa ahaa mid ay sababtay dhawr arrimood waxaa xusid mudan in Qaybta koowaad ee ahayd sababta reer yurub ugu baahdeen soo galitaankii somalia waxaana intanan taasi falanqayn waxaa jirtay in Dawladah africa soo galay ay ka so horeeyeen saddex qaybod oo sabab u ahaa(Partition of Africa).


1-Travelers(waxay ahaayeen dad dal mareeno ah oo reer yurub ah waxaana ay indhaindhaynku samaynayen marxaladaha iyo khayraadka wadamadda africa leeyihin si ay warbixn u siiyaan wadamadda reer yurub ee doonaya inay boobaan Africa).


2-Traders(Waxay ahaayeen dad ganacsato ah kuwaasi oo ganacsiga ka waaridi jiray dhulka kheyraadku dhex ceegaago ee Africa kuwaasi oo la dhihi karo waxay ka mid ahaayeen hormuudkii sababay qaybsigii iyo boobki africa).


3-Missioners(Waxay ahaayeen wadaado christian ah oo fidinta diinta masixiga waday kuwaasi oo ku faafinayay dhulyawga africa waxaana ay dadkaani masiixiga ah ay donayeen in ay Motivative ka dhigaan qabsashadda iyo sahanka reer yurub ee Africa).


Marka taasi laga soo tago waxa jiray waddo muhiim ah oo ahayd in wadamadda reer yurub ee doonaya inay qabsadaan africa waxaana sababaha kalifay in wadamadda Reer yurub doonayaan inay qabsadaan qaaradan ay tahay dhawr arimood.
 

Wadamadda Reer yurub waxaa ugu waynayd arrinta soo galitaaankooda africa arrinta ha Resource kaasi oo ka turjumaya in Qaaradan ay ahayd Qaarad dihin oo dheemanka iyo luulku dhex ceegaago iyado ay wakhtigaasi jirtay arrintii yurub ugu hadal hayn badnayd ee loo yaqaan (Industrial Revolution) kacaankii warshadaha oo wadamadda reer yurub ay doonayeen in khayraadka dhulka Afrika ku jira ay gurtaan si warshadaha reer yurub ay ugu noqdaan Row Materials .
Waxan sido kale meeshasi ka marnayn Political Strategy oo ahayd in Istraatijiyadda Siyaasadeed ee markii dambe kaliftay Dagaaladdi Koowaad iyo labaad ee dunidda e ka dhaxeeyay wadamadda reer yurub maraykanka ruushka,Japan iyo Europe ha ku hardamaan.
Waxaa sidoo kale meesha ku jirtay Population Pressure iyo Commercial Reason waxaana ay taasi ugu waynayd muhiimaddaha stategy ee wadamadda gumaysiga .
 


Qodobadda aan soo xusnay marka laga tago waxaa ay noqon kartaa hordhac dheer oo aan kaga dheeranay Gumaysigii Wadanka somalia oo ahayd Dariiqoyinka aan akhristayasha webka Ceegaag ugu Qeexaynay ahayd in Barnaamijkan maxaad ka taqaan Mug leeyahay.


somali waxa la dhihi karaa waxay ku dhacday Gacantii gumaysiga waxaana somalia kala gostay wadamaddai,Britain,Italy,France oo somalia loo qaybiyay taasi oo noqotay Somalia Under Three jurisdiction waxaana sido kale aan Meesha ka maqnayn wali Gumaysiga lagu hay Somalidda Galbeed iyo NFD waxaana ay muuqaal ahaan sawir buuxda naa siinaysaa xaaladdaha iyo Marxaladaha ay ku qotonto.


Gumaysiga gumaysanayay somalia waxaa uu ahaa mid ahaa Faashigi Talyaaniga iyo Britain iyadoo sidoo kale wadanka maanta ka madax banaan ee Jabuuti waxaana somalia ay u qaybsantay labaasi qaybood .


Waxaa ka bilawday somalia sanadihii 1900-1960 halgan Gobonimo donka somalia waxaana ugu horeeyay Halgankii daraawiisheed ee bilawday 1900 kaasi oo uu hormuud ka ahaa Sayid Maxamed Cabdule xasan oo ahaa halgamaagi waynaa Inaga oo gooni uga xog warami doona halgankii Daraawiisheed ayaan hadda hordhac ahaan u soo qaadanaynaa halgamaddi laga soo horjeeday Gumaystayaasha haystay Dhulka somalida waxaa jiray halgan kale oo aan la ilaawi karin kaasi oo ahaa markii la asaasay 1943dii Ururkii SYL(Somali Youth League)kaasi oo qayblibaax leh ka qaatay xornimadda umadda somalia maanta ku taamayaan SYL waxaa gudoomiye u ahaa Yaasiin xaaji Cusmaan waxaana ay ka koobnayd 13-dhalinyaro ah qaybeheena dambe ayaan ku falanqayndona kooxihi Gobonimo doonka Somalia.


Taariikhdan kooban waa Qaybtii koowaad ee Barnaamijkii Maxaa ka taaqaana?. kana mid ahaa Dufcadeeni Kororso Aqoontaada(Qaybtii koowaad).
 

Ma ogtahay Akristaw?.
 
 

Xubinta ma ogtahay waa Xubin Cilmiyaysan waana Qaybtii koowaad ee Todobaadkan:-


1-Ma ogtahay Akhristaw in Dalka ugu soo saarida Badan caalamka Mooska uu yahay wadanka Ecuador ee Laatiin Ameerika.


2-Ma ogtahay Akhristaw in Dalka ugu soo saaridda badan Coca koladda Afrika uu yahay wadanka loo yaqaanay Gold Coast(Ghana).


3-Ma ogtahay Akhristaw in Saxaabigi Fardaha ka dheereyay la Dhihi jiray Salaamatu Ibnu akwac(R.C).


4-Ma ogtahay Akhristaw in Dheecaanka Pepsin ee ku jira(Gastric juice) uu yahay dheecaanka Proteinka Jirka ku jira uu kala Burburiyo isla markaana ka dhigo Polypeptides=Amino acids.


5-Ma ogtahay Akhristaw in Somalia laga beeray muuska sanadkii 1922dii waxana beeray Gumaysigii Fashiistaha Talyaaniga waxana u ka beeray meesha loo yaqaan Ducagelgi ee abruusi.


6-Ma ogtahay Akhristaw in Gobolka ugu khayraadka badan Somalia uu yahay gobolka J/hoose ee cirifka Koonfureed.


7-Ma ogtahay Akhristaw in Geography uu yahay laba xaraf oo kala ah.
Geo=Earth waa dhulka
Graphy=Draw waa sawir ama qaab muuqaal
waxana marka la tixraaco eray ahaan Geography u kala qaybsamaa saddex:
Physical-Qaab muuqal dabiici ah sida buuraha,badda
Economic:mid ka hadla koritaanka warshadaha iyo dhaqaalaha
Human=kana waa barashadda noocyadda bani'aadamka


8-Ma ogtahay Akhristaw in Dagaalkii koowaad ee dunida u bilawday sanadkii 1914 uuna dhamaaday 1918 sababta dagaalka:


Faahfaahin:Dagaalkii koowaad e dunida ayaa waxaa sababay ka gadaal markii ninki lahaa dhaxalka boqortoyada Austi hungry oo dawanaya madal dabaab deg oo serbia ah uu toogasho ku dilay arday serbia an ah waxana la dhihi jiray Archiduke Ferdinand.


9-Ma ogtahay Akhristaw in Xasuuqi ka dhacay wadanka Rwanda uu u dhexeeyay labadda qowmiyadod ee Hutu iyo Tutsi.


10-Ma ogtahay Akhristaw in Dagaalkii Qabooba ee Dunida uu ahaa dagaalkii u dhexeeyay Axispowerka (Ruushka iyo Maraykanka) xiisadaasi ayaa soo afjarantay sanadkii 18-august 1991 burburkii midawgii Soviet.


11-Ma ogtahay Akhristaw in Dalka ugu soo saarida badan caalamka Baradhada uu yahay wadanka Peru.


12-Ma ogtahay Akhristaw in Magaaladda aan daacuunku ku dhicin dunidda ay tahay Magaaladda Barakaysan ee Madina Munawara.


13-Ma ogtahay Akhristaw in Garoonka Diyaaradeed ee ugu wayn dunida lagu magacaabo Khaalid International Airoport kuna yaala Magaaladda Riyad ee Saudi Arabia.


14-Ma ogtahay Akhristaw in Wadanka Portugal uu yahay Dunida wadankii ugu Horeeyay ee Bilaaba Adoonsiga bani'aadamka(Slave Trade).


15-Ma ogtahay Akhristaw in Wadanka ugu Wayn dunida uu yahay Russia halka wadanka ugu yar uu yahay Dawladd Magaaleedka Vatikan.


16-Ma ogtahay Akhristaw in Dawladda aan calankeedu Qoraxda ka dhicin tahay Dawladda Britian.


17-Ma ogtahay Akhristaw in Fikraddi lagu asaasay ururka Qaramadda Midoobay uu keenay NIn lagu magacabi jiray Immunuel Kanti Qaramadda midoobayna la asaasay sanadkii 1945 bishii august waxaana ku bahoobay in ka badan 190 oo dunidda ah.


18-Ma ogtahay Akhristaw in Ururka Midawga afrika la asaasay sanadkii 1963 Magaaladda Adis ababa ee Ethopia isla markaana fadhigi lagu asasay ay fadhiyeen 30 dal isla markana laba dal gadaal lagaga soo daray oo kala ahaa Togo iyo Marroco.


19-Ma ogtahay Akhristaw in Haweenaydiiugu horaysa oo muslimah oo shahiida lagu magacaabi jiray Sumaya Bintu Camaara(R.C).


20-Ma ogtahay Akhristaw in ololihi Horumarinta Reer miyiga ee wadanka somalia uu bilawday sanadkii 1973-1974 kii.
 

Murti iyo Maahmaah

Meel hoo doonaysa hadal waxba kama taro.

Mar idage alah hadago laba joor idagese aniga ayaa isdagey.

Nin dameer wata dad la tooyasha ma aha.
(Saddex saddex waa bishaa haday ka badatose waa Bi'isaa).
1-Baridu naagta waa bishaa haday ka badatose waa bi'isaa.
2-Saar beel waa bilaa haday ka badatosewaa Bi'isaa
3-Masqari geed waa bishaa haday ka badatose waa Bi'isaa.
 
 
Waa Diyaarintii iyo isku duba ridkii Wariye:
Cabdirashid Maxamed Daahir
Xafiiska Shabakadda Ceegaag Online-Puntland

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com