shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Barnaamijkii Kororso Aqoontaada(Qaybtii 2aad)

(Qardho.   May 31 ,  2009 Ceegaag Online)

Qaybtii hore ee Barnaamijkan aya waxaa aynu ku kala eegnay Saddex qodob oo xaasaasi ah kuwaasi oo ahaa.

·                    Xubintii Maxaad ka Taqaan?.

·                    Xubintii Ma ogtahay

·                    Murtida Barnaamijka.

 

Xubinta Maxaad Ka taqaana?.

 

Xubintani ayaa ahayd Xubin faaqidda Taarikh cilmiyaysan taasi oo aan ku eegaynay Todobaadkii hore Gumaysigii iyo soo galitaankiisi Wadanka Somalia Todobaadkan waxaan ugu Talo galnay Akhristayaal inaan ku eegno Taariikh kookooban oo ku saabsan somalia haddaba Akhris haboon.

TAARIIKH HORE EE SOOMAALIYA::::

·   1,500 BC Fircoonkii la oranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

·   7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

·   1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

·   1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

·   1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

·   1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

·   1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

·   1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

·   1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

·   1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

·   1960 bishii  June 26keedii ayaa dhulkii ingriisku u bixiyey Somaliland ay kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu u bixiyey ItalianSomaliland ay xorowdey, markaas ayaa labadaas qaybood midoobeen.

TAARIIKH KOOBAN: SOOMAALIYA & ITOOBIYA::::

·   Soomaalidu ma aqoonsan heshiiskii ay galeen Ingiriiska iyo Itoobiya ee loo yaqaan "Anglo-Ethiopian Treaty ee 1954", heshiikaas ay itoobiya ku sheegatay dhulka loo yaqaan Hawd oo dhigayey xadka cusub ee la sameeyey. Waxaana dhacdooyin ka bilowdeen Hawd lix bilood gudohood markii Soomaalida qaarkeed la siiyey xornimada (1960).

·   February 1964: Ayaa dagaal ka bilowday xadka la sameeyey ee Itoobiya iyo Soomaaliya. Itoobiya waxa ay diyaarado ku duqeeyeen meelo ka mid ah gudaha Soomaaliya, waxaa dagaalkaasi qaboobey bishii April 1964 kaddib markii ay Suudaan oo garabsaney ururkii OAU soo kala dhex gashay. Waxaana la isla gaarey xabbad-joojin.

·   1964: Itoobiya iyo Kenya waxa ay wada geleen heshiis u gaar ah, kaas oo ku saabsanaa sidii si wadjir ah ay isaga kaashan lahaayeen iska difaaca Soomaaliya, maadama ay labadaas dalba haystaan dhul Soomaaliyeed (NFD & Soomaali Galbeed), heshiiskaas waxa ay cusboonaysiiyeen sannadkii 1980, waxana ay mar saddexaad cusboonaysiiyeen August 28, 1987.

·   July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee xabashu gumaysato ee Soomaali Galbeed. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya.

·   November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen Ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaawino weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "dhulka u cadayn sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay dadka iyo duunyada laga barakiciyo, taas oo dhanka ka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay Soomaali Galbeed (Ogaden) markey taariikhu ahayd March 15, 1978, dhulkaas oo ay ilaa hadda (2006) gumeysato.

·   June 30, 1982 ayey ahayd markii ay ciidamada Itoobiya oo garabsanaya Jabhadii Soomaaliyeed ay soo weerareen magaalooyin ku yaal xadka, waxana ay qabsadeen magaalada Balanballe. August 1982 ayey markale weerar soo qaadeen Itoobiyaanku waxana ay qabsadeen magaalada Galdogob oo 50 km oo keliya u jirta Magaalada Gaalkacyo. Weerarkii xabashidu ku soo wadey Soomaaliya waxa uu istagey kaddib markii uu Maraykanku gargaar degdeg ah oo Militari uu siiyey Soomaaliya. Laakiin labadii magaalo ee Galdogob iyo Balanballe waxa ay ku sii jireen gacanta Itoobiya,  magaalooyinkaas oo maamulidooda ay isku qabsadeen Itoobiya iyo Jabhaddii SSDF, taas oo sababtay in Itoobiya ay burburiso jabhaddii SSDF kaddib markii ay dantii ay lahayd  ku gaartey oo ahayd dhulkii ay hore u haysatey in ay ku sii darsato dhul kale.

·   April 1988: Itoobiya oo markaas colaad kaga furnayd Eritrea ayaa ogolaatay heshiis ay la gashay Soomaalida. Heshiis kasta oo lala galay Soomaalidu marna kama tanaasulin sidii ay usoo ceshan lahayd dhulka ka maqan ee gumaystayaashii hore ay ku wareejineen dalalka deriska la ah Soomaaliya, Arrimhaas soo taxnaa waa kuwa markasta cakiraya in nabadda Soomaaliya ay hore u socoto(La soco Qaybta Dambe)

Qodobkan oo aan todobaadkan Taariikho iyo dhacdooyin kookooban ku eegaynay Waa naga itaasi.

 

Xubintii Ma Ogtahay?.

1-Ma ogtahay Akhristaw in Reactions iyo qurubyadda isla falgala loo kala qaybiyo laba oo kala ah Nuclear Reaction iyo Chemical Reaction.

2-Ma ogtahay Akhristaw in sanadkii 1944ti ay Odayaal somalia ah u direen warqad Gumaysigii Ingiriiska tasi oo ay kaga dalbanayen Inaan dhul somali leedahay lagu wareejin Amxaaradda iyadoo somala werwer ka qabtay in gumaysiga uu dhulkooda Amxaaradda ku wareejiyo balse sanadkii 1947 ayay ahayd markii Odayasi qabaa'iladda somalida ee degi jiray Ogadenya ka soo horjeesten dhulkoda oo lagu warejiyo Amxaaradda.

3-Ma ogtahay in Sanadihi 1942-1944 in Britain heshiis la gashay Ethopia loona yaqaanay(Anglo-Ethiopian) kaasi oo Itobiya Dhul Soomaalia leedaha lagu siinayay.

4-Ma ogtahay in sanadkii 28-Feb- 1954 Ingiriisku soo cusboonaysiiyay Heshiiski isaga iyo Ethopia isla markaana si toosa ayaa uu xabashida ugu wareejiyay Dhulka somalia.

5-Ma ogtahay in somalia ku biirtay ururka Jaamacadda Carabta sanadkii 1972dii.

6-Ma ogtahay in Dhiigu loo kala qaybiyo saddex qaybood oo kala ah White-Red-Plasma.

7-Ma ogtahay in Erayga Ustaad(Macalin) Micnihiis hore ka yimi Faarisi.

8-Ma ogtahay Akhristaw in Ereteria ka xorowday Ethopia sanadkii 1993-Dekedda Asmara.

9-Ma ogtahay Akhristaw in Jaamacada Carabta la asaasay sanadkii 1945-Maarso ayna asaasen Todoba Dawladood oo kala ah-Yaman,Lubnaan,Masar,Qadar,Baxrayn,Syria,Cuman.

10-Ma ogtahay Akhristaw in Xoghayihi ugu Horeeyay ee Qaramadda Midoobay la dhihi jiray  Tygivei Lie.

 

11-Ma ogtahay Akhristaw in Dalka kaliya ee aan caalamka Saxare lahayn uu yahay Wadanka Lubnaan.

12-Ma ogtahay in Haweenaydii ugu horaysay ee Somalia ah taasi oo Masrax ka heesta loo Yaqaanay Maryan Guduudo Carwo.

13-Ma ogtahay Akhristaw in ninkii helay Qaaradda America la helay sanadkii 1492 una helay Dal mareenki Caanka ahaa ee Christopher Colombos.

15-Ma ogtahay in Qaaraddi ugu dambaysay dunida ee la helo ay tahay Qaaradda lama degaanka ah ee Anti-Artico.

 

16-Ma ogtahay Akhristaw in Madaxweynihi ugu Mudada dheera Dunida uu yahay Madaxweynaha Wadanka Cuuba ee iminka Taladda ka degay Fidel Castro uuna xukunka hayay 1959-2006 isla markaasna Qaliin Mindhiciradda lagaga sameeyay ka dib u xilkii ku wareejiyay Walalkis Raul Castro kaasi oo si toosa ay ugu Codeyen odayasha Aqalka Sare ee wadankaasi iminkana ka arrimiya Wadanakaasi.

 

17-Ma ogtahay in Labaddi gobol ee Dawladda somalia dib kaga soo dartay ay yihiin SOOL-AWDAL isla markaasna ay noqdeen 18-Gobol oo ay awal ahaayen 16-Gobol.

18-Ma ogtahay Akhristaw in Inqilaabkii Dhicisoobay uu dhacay sanadkii 1978-isla markaasna lagu doonayay in lagu rido Dawladi military ee uu hogaamiyay Mar-Maxamed Siyaad Bare.

19-Ma ogtahay Akhristaw in Hayadda qaramadda midoobay u qabilsan Beeraha iyo cuntadda loo yaqaan FAO(FOOD & AGRICULTURE ORGANIZATION).

20-Ma ogtahay Akhristaw in Puntland la asaasay sanadkii 1998-Aug-ayna ku midoobeen Beelaha Hartiga ee Dega goboladda sool,sanaag,cayn,bari,Nugal,Mudug-Isla markaana ay ka soo qaybgaleen isimo gaaraya 500-Isim.

 

 

Murtida Barnaamijka:-

 

1-Laba  lalama Darso:

1-Fulay daan-daansi yaqaan

2-Bakhayl Damac yaqaan

 

Waa Diyaarintii iyo Isku duba ridkii :
Cabdirashid Maxamed Daahir
Lacle1004@hotmail.com


www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com