shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bayaan ay soo wada saareen beelaha Cigaalnaaleeye iyo Khaalid Habarwaa

(Buuhoodle.  May 09,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa xalay oo taariikhdu ahayd May 7, 2009  ku wada hadlay telefoonka laysku xidho(teleconference) qurba joogta Labada ardaa ee Cigaal Naaleeye Axmed, iyo Khaalid Habarwaa, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Cuqaal, Odayaal, iyo Waxgarad intaba

Waxaa lagaga wada hadlay arintii naxdinta lahayd ee ka dhacday magaalada Buuhoodle wiigan horaantiisii, taas oo ay labada beelood isaga tacsiyadeeyeen dhimashadii iyo dhaawacii uu sababay mashaqadaas ka dhacaday Buuhoodle.

Waxay si wada jir ah usoo saareen qodaban soo socda:

  1. Waxaan tacsi udiraynaa dhamaan dadkii ku geeriyooday mashaqadaas Ilaahayna u waydiinaynaa inuu u naxariisto intii dhimatay intii dhaawactayna Ilaahay caafimaad ugu badelo, eheladii ay ka geeriyoodeena samir iyo imaan ka siiyo.

  2. In laga hortago si wada jir ah inaan wax dambe dhacin.

  3. In loo mahad naqo Ilaahay iyo dadkii isku howlay in aan waxdambe  dhacin sida Isimada, Odayaasha, Waxagaradka, Culumada, iyo dhamaan intii ka qaybqaadatay howshaas sidii loo xakamaynlahaa inaan waxdambe dhacin.

  4. In si degdeg ah loo kala diro hadii ay jiraan ciidamo uruursan.

  5. In loo  saaro gudi wada jira oo ka kooban labada beelood oo dhamaystira howsha waxii dhiman

 Dhinaca Cigaal naaleeye waxaa kasoo qaybgalay:

1.Caaqil Adan Ismaaciil Muxumud kooreeye(bawdyagaab)

2.Ahmed Ibraahim dhuxul

3.Maxamoud Abdi Jama(indhabuur)

4.Ahmed Cabdilaahi Hangool

5.Cabdi Adan Cali (abdidayr)

6.Jaamac Cabdillahi maxamed( dhantac)

7.Nadiif aadan Maxamed(dhantac)

8.Maxamed Cali Xasan

9.Kaariye Aadan Kooreeye

 

Dhinaca khaalidkana waxa kasoo qaybgalay:

1 Caaqil Cabdillahi Shariif Dhagacade

2. Caaqil Maxamed Boodayare

3.Cali Axmed ducaale(calibustaale)

4.Axmed ismaaciil Biixi(shabeel)

5.Ismaaciil Diiriye Gamaadiid(dhagawayne)

6.Cali Ismaaciil rugbuur(calisoofe)

7.Cabdinasir Axmed Qowdhan

8.Rooble Xaaji Cali Deeq

9.Xiis Xirsi Ducaale

 

Xiis Xirsi Ducaale

San Jose, California

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com