shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Beesha Cigaal naaleeye oo soo afjartay dilkii dhexdooda ahaa ee dhacay bishan May 5, 2009

(Buuhoodle.  May 12,  2009 Ceegaag Online)

Waxaa shalay oo aybishu ahayd May 11, 2009 waxay beesha Cegaal Naaleeye soo gababaysay mashaqadii bisha May 5 2009, ka dhacday magaalada Buuhoodle ee beesha dhexdeeda ahayd. Waxay beeshu si wada jir ah ugu guulaysatay in gacanku dhiiglihii dilay marxuum Cabdi Cumar(Galayd) oo gacanta lagu hayey oo ay beeshu soo qabatay markii uu gacantiisa ku dilay labada marxuum ee kala ahaa Marxuum Cabdi Cumar (Galaydh) oo ka soo jeeda ardaaga Cigaal Naaleeye oo uu si ulakac u dilay, iyo marxuum Xasan Faahiye Xasan Isaxaaq oo isaga xabadu si kama'ah ugu dhacday kadibna isla goobtii ku dhintay. Beeshu waxay muddo afar maalmood gudahood ah ku guulaysatay inay soo gabagabayso dilkii beesha dhexdeeda ku kala yimid. Waxaa maanta oo bisha May 11,2009, lagu wareejiyey gacanku dhiiglihii aabihii dhalay marxuumka iyo wiilashiisii. Waxay isla markiiba xariga kajareen gacanku dhiiglii iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin  in mag la siiyo.
 
Goobta marxuumka lagula kala wareegay ayaa ay beeshu guud ahaanba ka muujisay wada shaqayn tolnimo ay beeshu aad ugu mahadceliyeen sida labii raas dhibtu kala gaadhay ay u muujiyeen tolnimada iyo wada dhalashada kana wada shaqeeyeen sida ay markiiba xalka degdega uga gaareen. Goobtaas oo dhamaan beeshu ku ducaysatay kabibna, waxay u balameen inay sida ugu dhaqsaha badan u gelayeen sidii ay uga wada hadli lahaayeen iyaga iyo beesha Khaalid Habarwaa wixii ay kala tirsanayaa hddii ay dhaawac iyo dhimasho tahayba.
 
 
Sidoo kale waxaanu aad ugu faraxsanahay hadaanu nahay qurba-joogta Cigaal Naaleeye, sida wanaaga iyo daacadnimada ay uga wada shaqeeyeen beeshu guud ahaan, gaar ahaana labadii raas ee dhibtu kala gaadhay oo muujiyey dadaal dheeraad ah in dhibtaas muddo afar maalmood ah lagu soo afjaro. Waxaanu idinka rajaynaynayaa inaad sidaas oo kale aad uga wada shaqaysaan xal degdeg ahna aad uga gaartaan idinka iyo beesha kale ee aad walaala tihiin.Waxaanu sidoo kale u mahadnaqaynaa dhamaan waxgaradka, cuqaasha, culumaa'udiinka iyo dhamaanba dadka samaha ka shaqaynayaa ee reer Buuhoodle.
 
Ahmed Abdillahi Hangool (Sanjose, California) 
 
Kaariye Aden Kooreeye (Boston, Massachusetts)

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com